Shirkadda Daabacadda Casriga Ah Ee Sagal Jet Oo Door Muhim Ah Ka Qaadatay Wacyigalinta Xanuunka COFID 19

0
583

Hargeysa(CN)Shirkadda Daabacadda Casriga Ah Ee Sagal Jet Oo Door Muhim Ah Ka Qaadatay Wacyigalinta Xanuunka Corona Virus/COFID 19

Shirkadda Sagal Jet Oo Ka Mid Ah Shirkadihii Ugu Horeeyay Ee Dalka Keena Daabacadda Casriga Ah (Digital Printing) Waxay Door Muuqda Ka Qaadatay Wacyi Galinta Xanuunka Saf Mareenka Ah Ee Corona Ama Cofid 19 Waxnad Arkaysaa Markaad Booqatoo Badi Xaruumaha Shirkadda Sagal Jet Ee Magaalooyinka Iyo Degmooyinka Dalka Iyagoo Diyaar Garow Xoogan Ku Jira.

Badi Shaqaalaha Goobta Shaqada Ku Jiraana Waa Kuwa Xidhan Af Gashi (face mask) Iyo Gacma Gashi (Gloves) Sida Oo Kale Waxa Albaabka Laga Soo Galo Yaala Goob Lagu Tala Galey in Lagu Faraxasho Waliba Adiga Oo Aan Qasabada Gacantaada Saarin Waxaaana La Yidhaa (FARAXALO ADIGA OO AAN FARNA SHAYNABA) Taasina Waa Mid Lagaga Hortagayo Caabuqa Corona Virus.

Sida oo Kale Waxaayaba Aad Arkayso Markaad Dhex Marayso Suuqyada Iyo Goobaha Dadku Iskugu Yimaada Waxaad Ku Arkaysaa Boodhadh Waa Weyn Oo Si Gaara Shirkadda Xil Iskaga Saartay Taas Oo Ay Ku Xardhanyihiin Weedho Iyo Wacyigalinta Xanuunka Corona Virus,Badina Baabuurta Waxa Ku Dhajisan (stickers) Ka Hadlaya Wacyi Galinta Corona Virus.

Hadaba Shirkadda Sagal Jet Dhamaan Laamaheeda Kala Duwan Dalku Waxay Kuu Diyaariyeen Adeegyadii Aad Uga Barateen Iyo Waliba Adeegyadda Wakhtigan Lagu Jiro Laagu Baahi Badanyahay Oo Ay Ka Mid Tahay (FARAXALO ADIGA OO AAN FARNA SHAYNABA) Waxaanad Dhamaan Ka Helaysaa Laamaha Shirkadda Sagal Jet Ee Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here