Shirkadda Xamari Travel Agancy Oo Ka Shaqaysa Tahriibinta Dhalinyaradda –

0
317

Hargaysa(Ceelgardinews.com):-Kadib Amarkii Madaxweynaha Somaliland ee ku aadanaa in laamaha Ammaanku u hawl-galaan Soo qabashada Shaqsiyaadka Tahriibta ka shaqeeya, iyaddoo markii Ammarkaasi soo baxay ay Hay’addaha Amniga ka shaqeeyaa iyo Shacbiguba ay iska kaashadeen sidii daba-gal loogu samayn lahaa Magafayaasha ka Macaasha Tahriibinta dhalinyaradda, waxaanay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah Shirkadaha loo tirinayo inay Dhalinyartii ugu badnayd ee Somaliland u tahriibiyeen Dalka Masar oo ay Dhawaan Masiibadii ugu xumayd ka dhacday.

llo-wareedyo war Baahintu Heshay ayaa daaha Ka rogay in Ciidanka Boolisku uu gacanta ku soo dhigay Mulkiilaha Shirkad lagu magacaabo Xamari Travel Agancy oo ka shaqaysa Tahriibka Dhalinyaradda,kaasi oo Illaa Xallay ku jiray Saldhiga New Hargeysa, hase yeeshee markii danbe Damiin lagu sii daayay

Warar kale oo xogogaal ah ayaa waxay tibaaxayaan rag kale oo sida la sheegay Shirkaddaas Sheer ku leh ay Caasimadda Hargaysa ee xarunta Somaliland deg deg uga baxeen, iyaddoo ay socdaal baadhitaanno lagu baaddi-goobaayo Shirkaddaha iyo Shaqsiyaadka ka qayb-qaata tahriibinta dhalinyaradda reer Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa todobaadkii hore soo saaray go’aan uu Laamaha Amaanka ku Amrraayo inay daba-gal ku sameeyaan Shirkadaha Xarumaha ku leh Somaliland ee Tahriibta ka shaqeeya iyo Shaqsiyaadka kale ee Magafayaashu ku jiraan, iyaddoo uu Madaxweynuhu sheegay in ciddii hawlahaas Tahriibinta lagu soo qabto ay mudan doonto Ciqaab adag.

Ceelgardinews/Office

Hargaysa/Somaliland