Shirweynaha Shaqaalaha Wasaaradda Tamarta & Macdanta Jsl Oo Qabsoomay + SAWIRRO

0
494

Hargeysa(CN)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa saaka waxaa ka qabsoomay hoolka shirarka shirweynaha bilaha ah ee shaqaalaha wasaaradda iyada oo uu shir gudoominayay agaasiamaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo shirkiisii kowaad ee shaqaala weynaha la qaatay.

Shirkan waxaa afka agaasima waaxeedyada ku hadlay Axmed Iidaan oo ah agaasime waaxeedka shiidaalka, waxaanu yidhi “shirkan waaa kii u horeeyay ee shaqaalaha wasaaradda uu layeesho agaasimaha guud ee cusub, waan ku so dhaweyaynaynaa isla markaan ku ducayaynayanaa waxaad tahay agaasimihii saddexaad aan la shaqeyno labbadii agaasime ee kaa horeyayna si sharaf iyo wanaag ley ayay noola shaqeeyeen adigana sidaas iyo si ka wanaagsan ayaan ka filaynaa.”

Agaasime Maxamed Yuusuf oo shirkan soo xidhayay ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda midh midh uu u baran doona xafiiskiisuna u furanyahay isagoo tilmaamay in waqtiga iyo saacadaha shaqaddana la ilaaliyo “waan idin salaamaya maanta waa shirkii koowaad ee aan shaqaalaha wasaaradda la yeesho barasho wanaagsan; somaaliduna waxay tidhaahadda -barasho horteed hay nicin- wasaaraddii hore aan soo maraynaa waxaan ahaa agaasimihii saddexaad tanna sidaa la sheegay kii saddexaad baan ahay ee malaha numberkaas 3aad Ayaan nasiib u leeyahay.”

Agaasimaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay wasaaraddan qaranka ugu fadhido iyo waxa laga sugaayo shaqaalaheedda, isagoo ku dheeraday mudnaanta wasaaradda iyo isha dhaqaale ee laga filanaayo dhinac kaste sida macadanta shiidalka iyo tamarta,waxaanu shaqaalaha u soo jeediyay in markasta u helanaadaan u khidmaynta qaranka Somaliland iyo gaar ahaan shaqadda qofkasta kaga beeganyahay shaqadda guud.

Geesta kale Agaasimaha ayaa soo jeediyay In shaqalahu mid noqdaan oo si wada jir ah team work ah loo wada shaqeeyo “Shaqalaha in niyadoodu isku mid noqoto iyadana waan jecelnahay dhismahaa quruxuda badan iyo deeganka quruxda badana in dad qurux badanaa ku shaqeeyaan waxaa ka soo baxayaana shaqo qurux badan iyaduna insha allahu waa wax la idiinka fadhiyo oo la idinka rajaynaayo iyaduna insha allahu waynu isla jaan qaadi doonaa oo waynu isla qabsan doonaa, insha allahu anigunna waxaan balan qaadayaa halkii agaasimayaashi hore gaadhsiiyeen inaanan ka dare noqon ee xilka iyo masuuliyadu waa qori isku dhiib maalinba nin baa haya shalay nin baa hayay maantana nin baa haya barrina nin baa qaban doona.”

Agaasime Maxamed Yuusuf waxa uu intaas raaciyey “insha allah intaan shaqada hayno waxaan doonaynaana inay wada jir ku abuurno shaqadda, wada shaqeyn saaxibtinimo leh shaqaduna hadaanay saaxibtinmo ku dhisnayn, haadanay wada shaqeyn ku dhisnaan, hadaanay ku dhisnaan ii cug aan kuu cugee oo dadku aanay isku uur iyo isku calool ahaan waxaba bina aadamkaa uma hagaagan ,waxaanan jecalahay intii caloosha isku haysana inay maanta is cafiso , kolay dadku markay shaqo joogan xurguf iyo xanafba way dhex martaa ,shaqadaa lagu kala afkaar duwanaanayaa ,markaa waxaan jecalahay in aynu abuurano deegan wacan oo wad shaqeyneed aniguna waxaan idinku biiriyo mooyaane isma lihi waxbaad kala hadhaysaa wasaaradda.”

“Somaliduna waxay tidhaahadaa aduun war iyo sheeko ayaa ka hadha madaamo aan lagu waarayn meelaha aad ka shaqeynayso iyo dadkaad la shaqaynayso waa iskaa tusto, barri ka maalina meel baad tagaysaa warkaaga na waa la sii haynaaya kolay wixii fiicnaa ee ay kaa arkeen way kaa sheegayaan wixii xumaa ee ay kaa arkeena way kaa sheegayaan markaa inagoo is jecel oo uurka isku hayniin in aynu ku kala tagno hadii alle nafta inoo daayo.”

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda W.T.M

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here