Shirweynahii Labaad ee laanta Sheffeild ee xisbiga Waddani

0
359

Sheffeild(Ceelgardinews.com) Shirwaynaha  oo Ee Laanta Sheffield ayaa lagu Doortay Hogaan Cusub Oo Hogaamin Doon Xisbigaas Sanadada soo socda si Loo Dardar Galiya Hawlaha xisbisgaas Madaama ay Doorashooyin somalialand inagu soo Fool Leeyihiin loogana Gaashan Hawashaas Adag ayaa Halkaas Hogaan Cusub La Doortay Si Kalsooni Leh oo Cid Waliba Ku Qanacday Dorashadaas Dhacaday Oo Si Nabada Galyo ah ku dhamaanaya

WadaniSheffeild6
WadaniSheffield4
WadaniSheffield2

WadaniSheffield5
Shalay oo ay Bishu ayahad 28/5/16 waxaa hoolka shirarka ee Verdon Street xaafada Burngreave ee Magalada Sheffield ka qabsoomay Shirwenihii Labaad ee Laa’anta Sheffield. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Xubnaha ugu sareeray Xisbiga Waddani UK oo uuhogaaminayo Gudoomiyaha Guud ee Waddani UK 1. Mudane Xuseen Adan Cade 2. Gudoomiye Ku Xigeenka Mudane Cabdi Cige 3. Xogahaya Uk Md Maxamed Carab 4. Afhayeen UK Md Maxamed-Daahir Iyo Gudoomiyaha Abaabulka Md Maxamed Qawdhan (YOOLAC) 5. Gudoomiyaha 3aad ee UK Md Mahdi Jamac Rooble 6. G/ Garabka Haweenka Marwo Farduus Hamashool. Md Ciise yusuf oo ka mid aha Gudiga L aa’anta Birmingham waxaa kaloo goob joog ka ahaa xubno ka soo kicitimay magaalada Leicester iyo dhamaan Taageeryasha Xisbiga Waddani ee magallada Sheffield .
Hadab Furitaankii Ayadaha Quraanka iyo Ducada waxaa ku furay sheekh Cali Xasan Ducaale, ka dibna waxaa shirka furay Gudoomiyihii hore ee Xilka sida qiimaha leh u wareejinyaya mudo 5 Shan sanadoodna ahaa Gudoomiyaha Laa’anta Shefffield Mudane Yusuf Cabdi Shire. ka dib Oday cawil ismaciil Qaasaal,i Axmed Ismaciil cabaade iyo Kaltuun Baanday ayaa halkaas hadalao soo dhaweyn aha ka soo jeediyay iyo weliba duco.
Waxaa isna war bixin soo jeediya Xogahayihii hore Md Mursal Xasan Axmed, ka dibna Gudoomiye Yusuf Cabdi shire ayaa qudab aad u dheer oo xog waran Gudigii hore siday ula shaqeeyeen ka soo jeediyay isla markaasan Gudiga Cusub daraan iyo duco u Guntay, waxaa hadaladiisaii ka mid ahaa Gudoomiye Yusuf Anigoo xilka wareejinaya ayaan hadan ka mid ahaa Gudiga Qabana qaabada shirwenaha taasi waxay ku tusaysaa inuu xilku meerto yahay oo aan kalsooni ku wareejiyoTusaale wacan aan u noqdo dhamaan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ama Guud ahaanba Somaliland.
waxaa sidoo kale hadal qiimo leh halkaas ka soo jeediya Musuuliyiintii Xisbiga ee joob jooga ahaa.
Kadib waxaa la gudo galay doorashadii Xubnaha Cusub iyo Xil wareejintii.
waxaa loo dooratay Xubnaha Gudiga Cusub ee hogaamin doona mudada sanadka iyo badhka ah ee ka hadasan doorashada, sidan
1.Gudoomiye Cabdiraxmaan Cawile Maxamuud Qayir
2. Gudoomiye Xigeen Shaafici Xasan Cali Yare
3. Xoghaye Mursal Xasan Axmed (Xogahyihii hore)
4.Dhaqaalaha Axmed Yusuf Bilqasab
5. Afhayeen Axmed Maxame Cali Xayd
Doorashada ka dib waxaa Qudaba mahad naqa ah soo jeediyay Gudoomiyaha Cusub ee Laa’anta Waddani Sheffield Md Cabdiraxmaan Cawil oo ka waramay sidii uu ula shaqayn jiray Gudigii hore kuna tilmaamay in ay hawl adag iyo waqti adag ka soo saareen Xisbiga Iyagoo mudadii hanqaadka Xisbiga iyo tan maanta soo waday hawsha Xisbiga si wacan u gutay xilkii ay hayeen , waxaa kaloo Gudoomiye Cabdirxamaan u ka waran habka iyo qoryaasha cusub ee ay ku shaqeyn doonaan Gudiga cusub waxaanu ku soo gabab gabeeyay mahad naqada Gudoomiyihii hore , Gudigii iyo taaageerayaasha oo uu ka codsaya in ay sidii hore ula shaqeeyaan iyo in loo soo duceeyo in ilaahay ku asturo xilka loo Igmaday.

shirkaas waxaa soo Gunaanaday Gudoomiyaha Uk Md Xuseen Adan Cade oo Halkaas ku ANSIXIYAY GUDIGA CUSUB .Guduumiye Xuseen oo Mahadnaqa u soo jeediyay Gudigii hore wada shaqeyntii wacan yada ee ka dhexasay mudadii ay xilka hayeen Gudiga Cusub ku soo dhaweeyay qalbi furan iyo wada jir iyo wada shaqeyn horleh, waxaa kaloo uu gudoomiye Xuseen sheegay in maanta ay inoo hadhay mudo yar loona baahan yahay dardar gelin iyo xawli dheeraard aha in aynu ku socon si aynu u gaadhno hemiladeena iyo higsiga hogaanka dalka. Mj Xuseen wuxuu Xusay kana xog waram Halgankii dheeraa ee dalka laguaga Xoreeray Xuklunkii Digtaatoorka ahaa iyadoo aynu ku jiro Bishii Xoriyada ee may shalaynna ahayd 27/5/16 Jimicihii . isla markaasna ay ku xigto 31/516 oo salaasada ah nasiib wanaag laba maalmoodba waxay ku soo beegmeen sannadkan siday ahaan jirtay jimicii 27/51988 Burco iyo 31/5 1988 Hargaysa. Mj Xuseen oo ka mid ahaa Halgamayaashii SNM Waxaa kaloo shirka fadhiyay Mj Maxamed Xiis oo ka mid ahaa dhalinyadii halganka bilowday ahaan dhalintii ama ciidankii ugu horeeyay ee SNM Waa MJ Maxamed Xiis Iyo MJ Xuseen Adan Cade 1983. Taasi waxay hordhaca iyo saadaal wacan u tahay Ufada Waddani uu Xukunka dalka la wareegayo inshaa laaha . Guul iyo wadda shaqeyn ayaan idiin rajaynayaa.
Oday Caydiid Cabdi Geele ayaa Duco iyo dardaaran ku soo xidhay shirka.

Mataan Maxamuud Cumar
WADDANI MEDIA .Sheffield