SICIID MAXAMUUD GAHAYR CADAALAD DARO AYAA KU CIIRTAY…..! Mohamed Gacayte

0
371

Hargaysa (Ceelgardinews.com)  85 Maalmood ayuu xidhan yahay Macalin Siciid Maxamuud Gahayr, Maxkamadii wax danbi ah way ku wayday waxaanay Xukuntay in Xoriyadiisa loo celiyo, Nasiib daro dib ayaa loo xidhay siciid wax yar kadib siidayntiisii amarkii maxkamadana waa la baal maray walina wuu xidhan yahay.

Cidii soo dacwaysay waa Maamulaha Madaarka Hargeysa, waxa lagu soo oogay Qodobka 321 ee kicinta dadweynaha waa lagu waayay Siciid. Qodabka 328 ee baahinta wararka been-abuurka ahina wuu jabay, kaddib markii ay xeer-ilaalintu marag u keeni wayday. Sidaas awgeed waxa uu Garsoorahii Maxkamaddu ku dhawaaqay in Siciid xorriyaddiisa loo celiyo oo katiinadda laga furo.

Abw. Siciid Maxamuud Gahayr wuxuu ku xidhan yahay Xarunta C.I.D hargeysa, Xaaladdiisa caafimaad ma fiicna oo wuu xanuunsanayaa, laakiin xanuunkiisa dad baa ku raaxaysanaysa.

Qof kasta oo leh dareen dadnimo iyo damiir xumaha diida ha ka gilgilsho xadhigga baadilka ah ee muwaadinkan lagu hayo isaga iyo inta dulman ee cadaalad daradu ku ciirtay. Ilaahay xaqa hayna waafajiyo dhibaatooyin badan ayaa dalka ka jira Abaaro baahsan iyo biyo la,aan dad iyo duunyaba.

Imtixaanada ayay ka mid tahay hadii dulmiga iyo cadaalad daradu badataan in masiibooyin iyo cadhada alle kugu habsato. Ilaahay raxmaad ka haynoo shubo, xaqa iyo cadaaladana hayna waafajiyo. Waxaan leeyahay.

“Mabda’eennu waa, Malafsade ha dhaco! Xalaal-maal ha jiro, Dadku waa masee! Ha mudh baxo cadligu!”. By. Mohamed Gacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here