Sil Siladaha Musuq Maasuq Ee Kastamada Cashuuraha Jsl Iyo Doorka Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaaradda Maaliyadda Qaarkood!

0
422

Sil Siladaha Musuq Maasuq Ee Kastamada Cashuuraha Jsl Iyo Doorka Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaaradda Maaliyadda Qaarkood!
Maxaad kala Socotaa Shabadaha Musuq Maasuq Ee Kastamada Cashuuraha Ka Socda iyo qaababka Masuuliyiinta Wasaaradu Qaybta Uga Yihiin!
HARGAYSA(Ceelgardinews.com)-Waxaa mudooyinkii udanbaysay isaoo taraya hadalhaynta sil silado ku cusub wasaarada maaliyada iyo wax isdaba marin baahsan taasi oo xogaha kasoo baxayaa la xidhiidhiyeen in ay qayb ka yihiin masuuliyiinta wasaarada ugu sareeya qaarkood
Tan Iyo Markii Loo Magacaabay Mohamed Cabdi Gurxan Maamulaha kastamka Berbera oo Ku beegnayad Sanadii 2013, Waxa socoday musuq maasuq iyo wax isdaba marin taas oo ay kow Ka ahayd bacihii dalka laga mamnuucay warshadahii dalka ku yaalayna alaabada loo xidhay,
Waxa Jirtay In bacahaasi iyagoo toboneeyo container ku jira Bil Walba ay ka soo degi jireen dekeda Berbera laguna saari jiray inay yihiin transit u socoda Dalka Ethopia balse lagu rogi jiray bakhaaro ku yaala magaalada hargeisa.
Waxa Hawshan ku lamaaneyn jiray maamulaha kastamka Seylac Ee Waqtigaas Faysal Aadan Yuusuf iyagoo hawshaa Shuraako ku ah waxay ka soo dhamayn jireen labadii wasiir Ee kala dambeeyay ee ay maamulayaasha u ahaayeen.
Arintaas waxay socotay tan iyo dhamaadkii sanadkii 2017, Markii uu xilka wasaaradda maaliyadda uu la wareegay wasiir Yuusuf Mohamed Cabdi, Kaas oo ka hawl galay soo Afjarida Bacaha laga soo deyn jiray kastamdda Berbera iyo Seylac, Isagoo xilkii ka qaaday labadaa masuul ee bacaha soo gelin jiray dalka.
Intuu wasiirka wasaaradda Maaliyadda ahaa yuusuf waxa la Gubay tiraba 20 jeer in ka badan bacaha dalka soo gelayay Iyadoo laba shixnadoodna dekeda Berbera laga celiyay, waxaana yaraaday soo gelista bacaha.
Sanad ka dib waxa loo magacaabay Mohamed Cabdi gurxan Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada, waxaana halkeedi ku soo noqday xidhiidhkii iyo silsiladii musuq ee samato bixinta bacaha. Isagoo ku celiyey dhamaan shaqaalihii Gamcaha u ahaa ee Hawshaa u fulin jiray goobahoodii ay hore Uga hawl geli jireen, Isagoo wiiqaya hoosna u dhigay awoodii Maamul Ee Maamulaha kastamka Berbera wuxuu bishii 11 Aad ee sanadkii 2019, u magacaabay masuul magaciisu yahay Cali Madhaafaan, maamulaha laanta kastamka hubinta Berbera, kaas oo u jeedkiisu ahaa inuu u fudeeyo hawlaha uu Daneynayey qayb laxaad lehna uu ka yahay silsilada musuqa, horena ugu ahaa Gamcihii u shaqeyn jiray hawlahan oo kalena U igmanaa.
Waxay taasi keentay in bacihii soo noqdaan soona maraan kastamka Berbera laguna cashuuro Baasto amaba alaabo kale.
Dhawaan uun bay ahayd markii container sida 117,400 oo mobile cashuurtiisuna noqonaysey 1,589,629,424 SLSH una dhiganta $187,015, lagu cashuuray 520 kiish oo sonkor ah lagana shubay lacag dhan 8,993,676 una dhiganta $ 1,058, lacagta qaranka laga xadayna ama la musuqayna ay dhan Tahay $185,957, iyadoo ganacasadaha hawshan loo Fududeeyay ee qaranka loo xaday uu yahay nin ay qaraabo Dhaw yihiin agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Mohamed Cabdi Gurxan. Oo lagu magacaabo Ganacsade Xuseen Geesh, oo isla bacahana dalka kusoo galiya Hab kootara baan ah oo qaab xidhiidhsan lagu soo mariyo Kastamyada dalka qaarkood,sida kastamka Berbera, Saylac, Iyo Kuwa Bariga Somaliland,
Waxa la Yaab Noqotay Hoos u Dhaca dakhli ee laga cabsi qabo Xaalada coronavirus awgeed In masuul kii u igmanaa dakhli Kordhinta qaranka iyo Ilaalinta Dakhliga Uu Musuq Xadig leeg Ku kaco iyadoo jirto hoos u dhac dakhli oo dhanka kastamada ah oo gaadhaysa 38 billion saddex bilood kii u dambeeyay JAN-MARCH 2020.
Waxa xusid mudan in meelaha la wiiqay ee ay tahay in kastamadda ay daba gal iyo kormeer joogto ah ku samayo ay tahay waaxda kastamadda oo tan iyo intuu joogay Agaasime Gurxan,uu u magacaabay laba agaasime oo aan wax aqoonba u lahayn kastamada. Taasi oo fadhiid ka dhigtay waaxdii baadhista iyo dabagalka ee wasaarada .
Iyadoo agaasime waxeedka hada joogaa uu yahay masuul ay isla hayb wadagaan agaasimaha guud lagu eedeeyay in uu yahay mishiinka silsiladan,
Dhanka kale wasiirka wasaarada maaliyada ayaa la sheegay in uu shaqada wasaarada iska ururiyay isagoo masuul ah uun qaybta PFNka halka wasiir kuxigeenkuna arimaha maamulka yahay taasi oo awood iyo fursado aan hore aanay uhelin masuuliyinta soo maray wasaaradu siisay Agaasime Gurxan.
Isku soo wada duub oo waxa maalmahan dambe Isa soo taraya dhawaaqa musuq ee ka socda kastamada dalka ee Agaasime Gurxan iyo silsiladiisa maamulayaashaa ay hormuudka ka yihiin sida Maamulada iy ku xigeenada kastamada Seylac, Wajaale, Abaarso kastamka laanta hubinta Berbera iyo Kastamka Kalabaydh.
Dhacdooyinka musuq ee wasaarada maaliyada ka taagan ayaa la sheegay in ay gaadhay halka dalka ugu saraysa ee madaxtooyada jsl taasi oo la filayo in ay talaabo ka qaado si loo ilaaliyo kalsoonida ganacsatada dalka ee cashuur bixiyayaasha oo talaabooyinka isa soo tarayay ku abuureen dareeno suurto galin kara hadaan wax laga qabin in iyagu isku dayaan kootarabaan si ay dhaqso ugu faa,iidaan,
LASOCO QORMOOYIN KALE OO LA XIDHIIDHA SIL SILADAHA MUSUQ MAASUQ EE KA SOCDA WASAARADA MAALIYADA IYO WAAXDEEDA KASTMADA CASHUURAHA .

Xigasho .Xogreeebnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here