Sir culus: Wasiiro, ganacsato imaaraadka ugu Baxayaa Heshiiskii Rasmiga ahaa ee wareejinta Dekedda, maxaad ka og-tahay Sannaadaha la Kireeyey+shaqaalaha la dhimayo ee Shirkadda Pd World, saameynta Baashe Moorgan

0
260

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Wasiiradda wasaaradaha madaxtooyadda, arrimaha Dibeda Maaliyadda iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodoga u yahay iyo sidoo kale, Nin ganacsade ah oo la sheegay inay walaalo yihiin wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi aadan oo lagu Magacaabo Xaaji ayaa la filayaa inay maalinta Salaasa Todobaadkan u amba baxaan dalka isku taga Imaaraadka carabta, halkaasoo ay qalinka kusoo duugayaan Heshiis rasmi ah oo dhex maraa Xukuumada Somaliland iyo Shirkadda Dp World oo Dekedda Berbera maamuli doontaa.

Masuuliyiinta ayaa soo saxeexi doona heshiis mudadiisa lagu sheegay 30-sanadood, hase-yeeshee sida wararku sheegen waxa ay labada dhinac isla soo meel dhigayaan qaabka wada-shaqeynayd iyo saamiga Shirkadda Dp World la siiyey inay ku yeeshan maamulka Dekedda oo ah 65% halka Somaliland la siiyey 35%-kiiba, sidoo kale, xoggaha ayaa sheegaya shaxda loo dejiyey maamulida Dkedda ay yihiin Boodh ka koobnaan doona 7-xubnood, kuwaasoo 5-kamid ahii yihiin Carab halka Somaliland ku yeelenayso 2-xubnood.

Labada xubnood ee Somaliland u qaabilsanaan doona ayaa la sheegay inuu mid yahay Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay oo hadda ah Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland Md. Baashe Cawil, halka kan labaadna la sheegay inuu yahay qof kazoo jeedda Gobolka Saaxil, wallow aanay wararku xusin magaciisa.

Geesta kale, Heshiiska ay kooxdan masuuliyiinta ahii kusoo wareejinayaan Dekedda Berbera Shirkadda Dp World, kuma jirto inay maalgelin ku sameeyan Dekedda iyo inay dhisaan Deked Cusub, hase-yeeshee waxa heshiiska gundhig u ah inay maamuli doonaan 10-sanaadood kaddibna ay qorsheynayaan inay dib-u-habeyn cusub ku sameeyan.

Heshiiska rasmiga ah ee dhex-mari doona Somaliland iyo Shirkadda Dp World ayaa sheegaya inay Shirkaddu muddo 10-sanadood ah ay gacanta ku qaban doonto dakhliga Dekedda Berbera, waxa kale, oo xoggaha laga helay sheegayan inay u kuurgeli doonaan qaabka dekeddu u shaqeyso, isla markaana ay keeni doonaan qalab.

Xoggaha la helayo shirkada Dp World ayaa sheegaya inay damacsan tahay inay dhawr sanadood gudahood shaqadda kaga caydhiso shaqaale weynaha ka hawlgala Dekedda Berbera iyadoo dhawrka sanadood ee soo socda ay qorsheeyen inay sannaad walba keenaan qalab cusub oo yareynaaya shaqaalaha. Wixii kazoo kordhaa waanu idinla socod-siin doonaa

Xigasho

Xogreebnews, Office Berbera/Somaliland