Siyaasi Cabdiqadir Obsiiye oo Baaq Nabadeed u diray Beelaha Dirirtu dhex martay Salaadintana Fariin Adag u Diray

0
259

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Ku Baaqay In Dib U Eegis Lagu Sameeyo Oo Laga Tashado Salaadiinta Umadda Kala Kaxaynaysa Ee Naxliga Kula Dhex Wareegaysa

Waxa Uu Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Gobolka Sanaag, Isagoo Dagaalkaaasi Ku Tilmaamay Ayaan Darro If Iyo Aakhriba U Xun Ummad Wada Dhalatayna Kala Fogaynaya

Hargeysa, January 25, 2018- (Foore)- Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland inta bandanna ka hadla hadba wadciga dalka iyo xaaladda dalka iyo dadku marayo ayaa waxa uu si adag uga hadlay Salaadiinat iyo Madax-dhaqameedka Somaliland qaar ka mid ah ee muddooyinkan dambe saxaafadda mariya hadallada qabyaaladda iyo naxliga ah kuwaasi oo dadka kala dhex dhigaya dhibaato isir-nacayb qabyaaladeed ah isaga oo ku baaqay in si degdeg ah looga tashado salaadiinta noocasi u dhaqmaya iyo in umadda ay matalaan dib uga tashadaan isaga oo dhinaca kalena dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex maray Degmada Ceel-Afweyn ku baaqay in degdeg loo joojiyo.

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Madaxa Bannaan ee Foore, ayaa waxa uu ugu horrayn ka hadlayaa dhibaatada dagaalka Ceel-Afweyn isaga oo baaq nabadeed beelaha walaalaha ah u diray sidoo kalena ka hadlay cawaaqib xumada uu leeyahay dagaal sokeeye if iyo aakhiraba waxaanu siyaasigu yidhi sidan:

“Waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Ceel Af-weyn, dagaalkaasi oo in badan soo noqnoqday. Aafo iyo dhibaato weyn waxa aan u arkaa oo ay ka dambayso garasho la’aan in dhiig muslim ah oo dad walaalo ahi mar walba soo noqnoqdo oo ay dhexdooda daadiyaan. Dadkaasi wax Alla wax ay isku dilayaan iyo wax ay ku dhimanayaana aanay jirin, iyaga oo ah dad walaalo ah oo wada degan, inan iyo abtigii ah, wiil iyo walaalkii ah, inan iyo seeddigii ah, marka dilku dhacana labada guriba laga ooyayo oo kugu dhimay kaa dhimay ah. Waa mushkilad aad u weyn. Meeday garashadii oo meeday dadnimadii. Aaway qiiradii iyo fekerkii iyo wax-garashadii. Islaamnimo, xigaalnimo, dadnimo iyo garasho meeday?!!. Waxaan leeyahay caqliga iyo garashada Ilaahay SWT ha idiin soo celiyo. Garta cidda aad dilaysaan iyo waxa aad dilaysaan.  Bal intaa is waydiiya oo garta baan idin leeyahay. Waa wax lala yaabo oo aan la qaadan Karin qof walaalkaa ah oo seeddigaa ah oo xigaalkaa ah in aad xabbad ku dhufato oo aad dhiiggiisa daadisid. Ilaahay SWT waxa uu yidhi qofka qof muslim ah dilaa waa qof fasahaadiyey samaawaadka iyo dhulka oo dhan. Sidoo kale diinteennu waxa ay innoo sheegaysaa in qofka qof muslim ah dilaa isaga iyo ka kaleba ay naarta galayaan. Ilaahay umaddeena hasoo hadeeyo oo wanaagga ha tuso. Waa aakhiro seeg waana adduunyo seeg. Waxa aan ku baaqayaa dilkaa xikmad darrada ah hala joojiyo ee maalin walba soo noqnoqonaya”.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdiqaaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) ayaa si adag uga hadlay hadallada naxliga leh ee ka soo baxaya ee ay warbaahinta isku dhaafsadaan qaar ka mid ah Madax-dahqameedka Somaliland oo uu ku tilmaamay aafo qaran oo dhibaato weyn umadda dalka u keenaysa isaga oo Siyaasigu ku baaqay in xukuumad iyo shacabba laga tashado wixii laga yeeli lahaa nin kasta oo madax dhaqameed ah oo umadda qabyaalad iyo hadallo cunsurinomo ah ku kala kaxaynaya, isaga oo sheegay in madax-dhaqameedka maantu sida ay u badan yihiin ay yihiin kuwo dhibaato weyn umadda u keenaya oo dalka halis galinaya. Siyaasiga oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Guud ahaan Shacabka reer Somaliland iyo gaar ahaan xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in ay aad ugu diyaar garoobaan lana yimaaddaan qorshe lagaga tashanayo wixii laga yeeli lahaa duubabka iyo madaxda dhaqanka ee ka leexday sifihii iyo ujeedooyinkii loo cimaamaday ee duubka loogu xidhay, kuwa waliba gaar ahaan coladda afuufaya ee qabyaaladda umadda kula dhex wareegaya. Somaliland maanta cadaw badan ayay leedahay khataraha ku gedaaman ee halista galin kara amnigeeda waxa lagu sheegaa in ay kaalinta ugu horraysa ku jiraan kuwaasi madax dhaqameedka ah ee umadda kicinaya ee fitno hurudda soo toosinaya. Waa kuwa ku baaqaya dagaalka iyo qabyaaladda ee umadda kala fogaynaya. Waxa la arki jiray duub ama madax dhaqameed samaha iyo wanaagga ka taliya balse lama Sudaan madax dhaqameed ah oo naar afuufah oo dhibaato dadka kala dhex dhigaya. Waa in laga tashadaan oo qorshe cad laga yeeshaa” ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo Madaxweynaha Mustaqbalka loo yaqaanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here