Siyaasi Cabdo oo Kamid ah Saraakiisha Kulmiye ee Gobolka Saaxil oo Ka Hadlay Doorashadii Taarikhiga ahayd

0
351

Siyaasi Cabdo oo Kamid ah Saraakiisha Kulmiye ee Gobolka Saaxil oo Ka Hadlay Doorashadii Taarikhiga ahayd iyo Talo u Diray Isbahaysiga Xisbiyada mucaaridka…

“RAG WAA WAR CAD IYO MARO CAD
Doorashadii 31may dalkeena ka dhacday waxay ahayd guul taariikhi ah oo guud ahaan u soo hoyatay gayiga somaliland cidna lagama guulaysan cidin guul may hantiyin gaar ahi
Waxa aan ku sifayn karaa ama ay aragtida fayoobi kuu ifdiiminaysaa in qaranku guulaysday ta guud ayaa ina wada deeqda waxaan amaanteeda haday cidi ku suntantahay
Ama ay yeelanayso waxa aan u hibaynayaa madaxwayne muuse biixi cabdi
oo ku dadaalay hirgalinta iyo diyaarinta inkaaniyaadkii doorashadu ku qabsoomi lahayd diyaariyay
Waxa aan u arkaa masuuliyiinta asxaabta mucaaridka ah ee sharafda iyo milgaha mudan waxa aan leeyahay
Dagdaga inaga ilaaliya waxa ina deeqa isgu duubni iyo wadajir danta guud iyo tartan walaaltinimo oo milgahiisa leh somalidu waxay tidhaahdaa
Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa
Xildhibaanada golaha wakiilada iyo xubnaha golaha deeganka haloo daayo in ay hogaanka isga dhex doortaan sida uu madaxwayne Muse biixi aanu wax faragalin ah ugu samaynin
Halala sugo madasheeda
Aniga oo marwalba jecel in xisbiga kulmiye guulaysdo taas waxa ka sii wayn in wax walba
Si walaaltinimo iyo wanaag uu ku jiro lagu kala
Helo hogaanka golaha wakiilada iyo maayarada dagmooyinka somaliland
Aniga oo ka mid ah dadka tacab badani kaga jiro Xisbiga kulmiye igama suurtowdo in aan soo gudbiyo aragti turxaan laga dheehan karo
Shacbka somaliland ee sharafda leh waxa aan ku waaninayaa way dhaafday wakhtigii ay taladu gacanteena ku jirtay imika waxa hawl oo dhan isga leh mudanayaashii la doortay
Guul somaliland.
Qalinkii Cabdoo Husein

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here