Siyaasiyiin Mucaarad Ah Oo Isku Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo Ku Macneeyay ‘Dhuuxii Dawladnimo Oo Sii Daadanaya”

0
307

-Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa ka hadlay isku shandhayntii ugu dambeeysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyo Xukuumaddiisa. Waxaanay masuuliyiintani sheegeen in isku shaandhayntii u dambaysay muujinayso in dhuuxii dawladnimi sii daadanayo, iyagoo ku soo hal qabsaday madaxweyne Siilaanyo oo markii u horaysay wada magacaabay Wasiir iyo la taliye wasiir.

Xoghaye Cabdirashiid Xasan Mataan oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika  ayaa sheegay in isku shaandhayntan madaxweynuhu sameeyey aanay wax faaiido ah keenayn maadaama ay jiraan wasiiro aan wali la taaban, waxaanu yidhi  “Isku shandhayntani wax alaale wax micno ah oo ay leedahay ma jirto, wax ay soo  kordhinaysaa ma jirto inay dareenka shacabka sii xumayso mooye, Golihii Wasiiraddu todobaatan buu kor u dhaafay,hebel hebel ku bedel iyo wasiiro lama taabtaan ah wax ay faa’iido keenaysa ma jirto, waxaana  la sii kordhiyey Wasaaraddihii bilaa Wasiirul-dawlayaasha ahaa”.

Sidoo kale xoghaye Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka hadlaya la taliyaha heer wasiir ee madaxweynuhu magacaabay ayaa waxa uu yidhi “Wali lama arag oo may dhicin in Digreeto Madaxweyne lagu magacaabo La Taliye Wasiir taas oo wasiirka laftiisu ku magacaaban yahay digreeto madaxweyne. Tani waxay muujinaysaa xukuumadii oo dhuuxii dawladnimo ka sii daadanayo, wasaaradaha cidbaa loo igmaday oo wasiirbaa loo magacaabay laakiin haddii la taliye ay isku awood yihiin loo magacaabo dhibaatadeeda ayey leedahay oo haddii khilaaf yimaado aad ayey u adkaanaysaa in si yar oo fudud lagu kala baxo.”

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani ayaa dhinaca magacaabista xubnaha xukuumada  isbarbar dhig ku sameeyey labadii dawladood ee ugu danbeeyey waxaanu mar kale yidhi “ Xukuumadan mid la mid ahi inamay soo marin sababto ah waxaynu ogayn in xukuumadii hore ee Daahir Rayaale ay wasiiradu aad uu koobnaayeen marka la barbar dhigo xukuumada haatan talada haysa, waxaynu la yaabi jiray xukuumadii Daahir Rayaale oo la odhan jiray wasiiradu aad bay u badan yihiin balse xukuumadan ayaaba ka daran oo la timid wasiiiro aanu dalku qaadi Karin , magacaabidana waxay muujinaysaa nidaam xumida xukuumada.”

Dhinaca kale  Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa  waraysi gaar ah oo uu  siiyey wargeyska Geeska Afrika  waxa uu kaga hadlay  xil ka qaadista maareeyihii hore ee dekeda Berbera,  wasiirka cusub ee arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka qaranka, waxaanu yidhi “Faratoon waa nin aan aqoon badan u leeyahay waana nin aanan soo dhawayntiisa ku qiimaynayn gobolada bari oo kaliya ee waa nin aan qabo in isaga iyo booska loo dhiibay is leeyihiin,  waana nin ay Somaliland aqoon u leedahay oo culayskiisa leh, labada janan ee la isku badalay waa laba janan oo xirfad milatari leh, waxa kale oo aan isku shaandhaynta ka dareemayaa nin si xaq ah u tagay oo ah maareeyihii dekeda Berbera kaas oo ka hal adaygay oo ka xishooday arinta dekeda ee baarlamaanku ka xishoon waayey, tagistiisana sharaf ugu korodha mooyaane waxba kaga xumaan maayaan.”

Sidoo kale xildhibaan Faarax Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay  qaabkii ay golaha wakiiladu u ansixiyeen heshiiskii dekeda waxaanu yidhi “Arintii dekeda Berbera ee golaha wakiilada ka dhacday waxxaan ku tilmaami karaa arin Somaliland ugub ku ah sababtoo ah muxaafid macangag ah waa la arki jiray laakiin cid damiirkeedu ilaa xadkaas gaadho lama arag,talaabadii ay golaha wakiiladu qaadeena waxaan ku sifaynayaa inay la mid tahay bamkii lagu tijaabiyey magaalooyinka Nagasaka iyo Horishima, dadkiina way aamuseen ee waxaan leeyahay koomada ka soo baxa oo arinta dekeda Berbera qiimeeya, kolayna wixii ka dhacay golaha wakiilada markii la ansixinayey in dekeda la wareejiyo  waanu ka hadalnay aniga iyo xildhibaano kaleba, laakiin waxa run ah in golahani dhintay, waxaanan dadka reer Somaliland leeyahay ka soo baxa koomada oo bal qiimeeya heshiiska dekeda, haddii aad maanta qiimayn waydaan oo aad dareenkiina muujin waydaan maalin kale ayeydun garan.”