Home News Soomaaliya oo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya

Soomaaliya oo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya

0
342

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo ay ku sameyneyso madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhammaan diblomaasiyiinteeda kala soo baxeyso daalka Kenya, waxayna ku amartay inay kuwa Kenya dalka uga baxaan toddoba maalmood gudahood, oo ka billaabata 15-ka December.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.”

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeeranaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u aragto shacabka Kenya inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta gobolka, ayna kala dhaxayso shacabka Soomaaliyeed xiriir qotodheer oo ku dhisan deris wanaag iyo wax wada qabsi. Balse hoggaanka maanta ee Dowladda Kenya uu ka shaqeynayno kala fogeynta labada shacab ee dan-wadaagta ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u gaartay go’aankan si ay uga jawaabto xad-gudubyada siyaasadeed iyo fara-gelinta qaawan ee isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay dowladda Kenya Ku haysay madax-banaanida dalkeenna.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysaa madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed si waafaqsan Dastuurka dalka, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Wax gorgortan ahna haba yaraatee Dowladdu kama gelayso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii dowladda Kenya ay dalkeeda ka casuuntay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo Isniintii Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here