SU’AALO KU XEERAN MUUQAALLO MADAXTOOYADU DABADA KA RIIXAYSO OO MAALGASHIGA MARSADA BERBERA LAGU FAAQIDAYO

0
321

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Madaxtooyada Somaliland, ayaa dabada ka xiiraysa barnaamij muuqaal ah oo lagu lafo gurayo taariikhada marsadda Berbera, kaas oo maalmahan dambe si weyn loogu dhex arkayey muuq baahiyayaasha afka Somaliga ku hadla iyo waliba website-yada qaarkood.

Barnaamijkan muuqaalka ah oo  soconaya muddo 45-daqiiqo ah, isla-markaana uu daadihinayo weriye Cabdirisaaq Terra oo katirsan Telefishanka Star, ayaa si mug leh loogu qaadaa dhigayaa muhiimadda dekedda Berbera, iyadoo lagu waraysanayo dad taariikhda Somaliland aqoon u leh, isla-markaana  tooshka ku ifinaya sida ay muhiimka u tahay in heshiiska dhawaan xukuumaddu la galay shirkadda DP World uu noqdo mid hirgala.

Barnaamijkan oo kusoo beegmaya xilli bulshada gobolka Saaxil si adag u hortaagan tahay inuu heshiiskaasi hirgalo, ayaa waxa kharashaad badan ku bixisay madaxtoyada, waxana duubistiisa la geliyey wakhti iyo waliba kharash tiro badan, iyadoo sidoo kale xogo dheeraad ah oo ku saabsan shirkadda DP wolrd barnaamijkan lagu soo qaatay.

Barnaamijkani waxa uu shirkadda DP World ka dhigayaa mid ay ku tanaadeen dhammaanba  dadaalkii heshiiska la galay ee ay dekeddahooda maalgelinta ku samaysay, waana tallaabo la rabo in shacabka iyo shirkaddan oo shaki badani kala dhexyaallo la iskugu soo dhaweynayo.

Bulshada ayaa su’aalo badan iska weydiinaysa waxa barnaamijkan looga gol leeyahay ee kharashka intaas le’eg loo geliyey, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu daadiyaha barnaamijkani yahay weriye ay hore si weyn isku hayeen wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo dhawaan la isu soo dhaweeyey.

Dadka barnaamijkan dhinacyada kala duwan ka eegay ayaa sheegaya inuu yahay mid uu hormood u yahay wasiirka madaxtooyada, isla markaana uu ku laaluushayo wariyaha daadihinaya oo ay si weyn isu hayaan, kaas oo uu doonayo inuu ku mashquuliyo oo kusoo dhaweysto.

Dhaliilaha barnaamijkani leeyahay, ayaa waxa kamid ah inaan shacabka, gaar ahaan kuwa reer Berbera aan la weydiinin aragtidooda  la xidhiidha shirkadda DP World, waxana qaybta ugu weyn la siiyey dad siyaasiyiin ah oo xukuumadda xidhiidh la leh, waxana ka maqan siyaasiyiinta mucaaridka ah marka laga reebo guddoomiyaha wakiillada mudane Cirro oo si taxadar leh aragtidiisa u dhiibtay.

Lama garan karo faa’iidada uu barnaamijkan ay madaxtooyadu wadataa kusoo kordhin is-fahan reer Berbera iyo xukuumadda dhexmara oo maalingelinta shirkadda DPWorld ku saabsan, iyadoo sidoo kale aan la saadaalin Karin natiijada ama midhaha laga dhaxli karo muuqaalkan la doonayo in dejiyo mawjadaha ka dhanka ah heshiiska lala galay shirkadda DP World.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here