SUL. ISMAACIIL SUL. CABDIRAXMAAN OO KA HADLAY DIGREETO SAAMAYSAY MAGAALLADA WAJAALLE OO MADAXWEYNAHA DDS KU MAGACAABAY GOBOLLO IYO DEGMOOYIN CUSUB

0
260

TOGWAJAALE (Ceelgardinews.com) Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo kamida Salaadiinta deegaannada Itoobiya iyo Somaliland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxda dawlad deegaanka somalida itoobiya gaar ahaan golaha xildhibaanada DDSI oo iyagu ansixiyay gobolada,degmooyinka, iyo magaalooyinka Suldaan ismaaciil suldan cabdiraxmaan oo arimahaasi ka hadlayaa wuxu yidhi, Waxaan halkan hambalyo iyo bogadin udiyara madaxda dawlad deegaanka somalida itoobiya go’aankii geesinimada lahaa ee ay qaateen hogaaminta XDSHSI, iyo Golaha Baarlamaanka DDSI   anigoo ku hambalyaynaya magacaabida gobolada cusub ,degmooyinka iyo magaalooyinka kor loo qaaday darajadooda, waxaanan leeyahay waxaad gudateen waajibaad qaran. Waxaan si gaara ugu Hambalyaynayaa Darajada la gaadhsiiyay Magaalada TOGWAJAALE  Anigoo ka wakiilada shacabka ku dhaqan. Sidoo kale waxaan halka hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaan madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida Cabdi Maxamuud Cumar waxaan leeyahay mudane madaxwayne waxaad ku guulaysatay in aad guud ahaan shacabka deegaanka somalida gaadhsiiso horumar balaadhan waxaan ku leenahay jir oo joog, anagoo kugu garab taagan marwalba dedeelka iyo waxbadka aad u majiiratay.  Waxaan guud ahaan  dawlada fadaraalka itoobiya  ku taageersan nahay isku duubnaanta qoomiyadaha dalka oo dhan,  ayuu yihdi suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan.  Dhawaan ayay ahayd markii  go’aan  geesinimada lahaa ee ay qaateen hogaaminta XDSHSI, iyo Golaha Baarlamaanka DDSI  Islamarkaana ay ku ansixiyeen 25,ka Degmo, 2da  mm iyo 2da Gobal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here