Suldaan Guddiga Doorashooyinka ugu baaqay inaanay Wax Diiwaan-gelin ah ka Samayn gobolka Hawd

0
240

Hargeisa(Ceelgardinews.com)Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi oo ka mid ah Madax-dhaqmeedka Somaliland, waxa uu guddiga doorashooyinka Somaliland u soo jeediyay inaanay wax Sannaaduuq ah gaynin gobolka Hawd, maaddaama oo shacbigii diiwaan-gelinta ka qayb-qaadan lahaa ay gobolka ka hayaameen.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi waxa uu sheegay in Abaarihii baahsannaa ee gobolkaas ku dhuftay ay sababeen in Dadweynihii ku noollaa jiiddaas gobolka Hawd ay u hayaameen dhulka sarre ee Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, isla markaanna aanay jirin cid is diiwaan-gelisa oo sanaaduuq loo geeyaa, waxaannu soo jeediyay in laga joojiyo diiwaan-gelintaas, isagoo guddiga doorashooyinka qaranka ugu baaqay inaanay dalka Nabad-gelyo-darro ka abuurin.

Suldaan Xuseen

X.Cabdi Cabdillaahi oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay inaanay wakhtigan xaadirka ah ku habboonayn diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu, maaddaama oo uu dalku ku jiro Abaaro baahsan,waxaannu tilmaamay in Sanaaduuq la geeyaa aannay macno badan samaynayn, waxaannu yidhi “Jiidda gobolka HAWD waxa ka jirta abaar baahsan oo dad iyo duunyo wixii deegaankaas ku noollaa barakicisay, waxaannu soo jeedinaynaa oo Komishanka doorashooyinka u sheegaynaa inaanay wax sanaaduuq ah iyo wax Diiwaan-gelinta ah midna noo keenin, waxaannu leenahay dadkayagii way hayaameen oo dhulka sarre ayay ku maqan yihiin, waa’ayo markaas cidda diiwaan-gelinta galaysaa, waa’ayo cidda Komishanka doorashooyinku ku soo socdaan, haddii dadkayagii hayaamay guddiga doorashooyinku ma ciidday diiwaan-gelinnayaan, garan-mayno annagu, waxaannu-se leennahay Diiwaan-gelintaas geli mayno oo naloo keenni maayo.” Ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdillaahi.

“Dalka cid naga jeceli ma jirto, annagaa nabaddiisa iyo jiritaankiisaba ugu jecel, waxaanse u sheegayaa Komishanka doorashooyinka inaanay Nabadgelyo-darro u horseedin ummadda, haddii diiwaan-gelintaas nagala joojin waayo nabadgelyo-darro ayaa ka iman doonta” ayuu yidhi Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdillaahi.