TAAGEERRADA UU II MUUJIYEY MADAXWEYNE OBAMA, WAXA AY IILA MACNO TAHAY TAAGEERRADA DUNIDA OO DHAN

0
305

Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Barack Obama, ayaa soo dhaweeyey, isla markaana taageeray guusha taariikhiga ah ee ay ololaha doorashada ka gaadhay Haweenayda ka midka ah Musharrixiinta Xisbiga Dimuquraaddiga ee Maraykanka Hillary Clinton. Waxa uu Madaxweyne Obama sheegay inuu soo dhawaynayo, isla markaana ku hambalyeynayo guusha taariikhiga ah ee ay ololaha doorashada ka gaadhay Hillary Clinton, isagoo sheegay inuu

iyada taageersan yahay. Waxaanu Madaxweyne Obama sidaa sheegay wax yar ka dib markii uu Khamiistii Maanta Aqalka Cad kulan kula yeeshay Ninka la Tartamaya Clinton ee Senator Bernie Sanders. “Maanta waxaan doonayaa inaan Hambalyeeyo Hillary Clinton. Waan ogahay in shaqadan adag tahay, taasi darteed ayaan ogahay in Hillary Clinton ay shaqadan ku wanaagsan tahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama. Taageeradan iyo soo dhawayntan uu Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama Musharrax Hillary Clinton, ayaa imanaysa laba malamood ka dib markii ay Clinto ay ku guulaysatay doorashada ama taageerada gobolka California habeen-hore oo ay bishan May 2016-ka 8 noqonaysay. Musharrax Clinton, waxay California ka hor ku soo guulaysatay doorashooyinka hordhaca ah ee gobollada New Jersey, New Mexico iyo South Dakota, halka Senator Bernie Sanders oo la loolmayey uu ku guuleystay gobollada Montana iyo North Dakota. Hase-yeeshee, Musharrax Bernie waxa uu hadhay doorashada, waxaa sheegay inaanu weli tanaasulin ee uu ololaha illaa toddobaadka danbe, isla markaana uu ka qeybgali doono doorashada hordhaca ah ee ka dhaci doonta magaaladan Washington DC oo Taageerayaashiisu isugu soo bixi doonaan. Waxaa hadalka Madaxweyne Barack Obama soo dhawaysay Musharrax Hillary Clinton oo caawa la hadashay Wakaaladda Wararka ee Reuters, waxaanay sheegtay in taageerada uu Madaxweyne Obama u muujiyey ay iyada uga dhigan tahay dunida oo taageertay. “Taageerada Madaxweyne Obama ii muujiyey waxay la macno tahay taageerada dunida oo dhan. Run ahaantii waxay ii tahay oo ay tani ii muujisay farxad cajiib ah iyo Daacadnimada Madaxweyne Obama iyo sida aannu saaxiibbada runta ah u noqonnay ka dib ololihii aannu sannado ka hor soo wada-galnay (2008).” Sidaa ayey tidhi Hillary Clinton, waxaanay Obama uga mahad-celisay taageerada uu u muujiyey. Haweenaydan ku guulaysatay inay noqoto Musharraxa jagada Madaxweynaha ugu tartami doona Xisbiga Dimuquraaddiga ah oo ka mid ah labada Xisbi ee ugu waawayn dalka Maraykanka, ayaa hore u soo noqotay Marwada koowaad ee dalkaas markii uu Odaygeeda Mr. Clinton Madaxweynaha ka ahaa Maraykanka wakhtigii Bush ka hor. Waxa Xisbigu si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa magacaabista Musharraxnimada rasmiga ah ee Hillary Clinton bisha Julay ee sannadkan 2016-ka, iyada oo markaa ka dib u tartami doonta doorashada Madaxtooyada Maraykanka oo qabsoomi doonta bisha November ee isla sannadkan 2016-ka, isla markaana la tartami doonta Musharraxa jagadaa ugu taagan Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump oo isaguna jagadaas in loo magacaabo kaga guulaystay Musharrixiintii kale ee Xisbigiisa ee ay wada tarmtayeen. Waxaa Clinton sugaysa inay midayso Xisbigeeda kala qaybsan, isla markaana ay Taageerayaasha Ninka la tartamaya Senator Bernie Sanders ugu baaqdo ama ka codsato inay iyada taageeraan oo ay codkooda siiyaan. Halka sidoo kale Musharraxa Xisbiga kale ee Jamhuuriga Trump ay isagana taas oo kale sugayso, si mid waliba u heli karo Taageerayaasha Xisbigiisa oo dhan.