Taariikhda Shirkadda Shafa Al Nahda Constructing Company oo ah shirkadda dhisaysa Dekadda Berbera!

0
459

 

Taariikhda Shirkadda Shafa Al Nahda Constructing Company oo ah shirkadda dhisaysa Dekadda Berbera!

Shirkadda Shafa Alnahda waxa la aas-aasay 1982kii, waxaana Aas-aasay Ganacsadde Abdoshamakh Nasser Alshebani, Waxaana lagu bilaabay shaqaale gaadhaya 20 shaqaale ah.

Maantana waxay noqotay Shirkadaha ugu waaweyn caalamka, waxaana u shaqeeya Tiro shaqaale ka badan 1,000 Dadka Xirfadaha dhismayaasha ah leh.

Shirkadda Shafa Alnahda waxay aad uga shaqaysaa Sameynta Dekaddaha, Sameynta Biyo mareenadda casriga ah, Sameynta waddooyinka Waaweyn ee caalamiga ah.
Diyaarinta Sagbadaha iyo Dhagaxaan waaweyn baddaha iyo waddooyinka lagu xidho.

Shirkadan ayaa Ka shaqo gasho Saddex Qaaradood oo caalamka ka mida waxaanay imika mashruucii ugu balaadhnaa ka waddaa jamhuuriyadda Somaliland dekadiisa Magaalo Xeebeedka Marsadda Berbera oo imika Gebo-gebo ku dhaw.

Waanna markii koowaad ee ay mashruuc iyo shaqo ka bilawdo dalka jamhuuriyadda Somaliland iyadoo balaadhisay dekada ugu wayn Somaliland ee Berbera, marka la eego qaabka ay u dhisayso dekada Berbera waxaa aad uga muuqda oo aad la yaabeysaa Farsamadda iyo Qalabka iyo shaqaalaha Tabababaran ee ay isticmaalayaan.

Shirkaddan ayaa intii ay Dalka ka hawlgalaysay bixisay Adeegyo Bulsho iyo kuwo Dawladeed oo ay ka mid yihiin dhismaha Aqalka Madaxtooyadda Berbera oo ay dibu habayn ku sameysay, Dhismaha Masjidkii Qadiimka ahaa ee Turkiga oo ay isna dibu Habeyn ku sameysay.

Shirkadda Shafa Alnahda Mashaariicaha iyo shaqooyinka waaweyn ee ay qabatay waxa ka mida dhismayaasha kala ah:,
Mina Rashid Waa Marine Works
Marina View
Hamdan Binu Rashed Cruise Terminal
Piles and Pontoons oo ah Waa qurxinta waddooyinka Badaha marinkooda.
Berbera port extension Balaadhinta dekada Berbera.

Shirkadda Shafa Waxay ilaalisaa Deegaanka oo ay la Saaxiib tahay sidoo kale badbaadada shaqaalaha oo la caddeeyey in 1trillion sacadood oo Shaqaale shaqaynayay aanay waxba ku noqonin.
Sidoo kale dhammaan shaqaalaha u shaqaynaya waa shaqaale dhaqan iyo xirfad u leh shaqadda.

Somaliland Sidee ayay uga Faa’ideysan kartaa Aqoonta Shirkadda Shafa Al nahda.

Somaliland waxaa Looga baahan yahay innay ka faa’ideysato oo ay shaqooyinka iyo goobaha muhiimka siiso shirkadda Shafa Alnahda oo si wanaagsan Looga bartay gayiga Somaliland.

Waxaa kale oo aan Madexweynaha Somaliland u soo jeedinlahaa inuu shahaado sharaf ku siiyo Dhismaha dekada Berbera iyo sida ay tayo ahaan u dhiseen oo indhahaagu Macalin kaaga yahay.

Waxa hore u fashilmay mashaariicihii Biyo-xidheenkii Xumbo Wayne oo balaayiin doolar ay ku baxday sidoo kale Waxa lagu guuleystay Dhismihii Balaadhinta dekada oo dhawaan xadhiga laga jari doono taas oo shirkadda Shafa Al Nahda dhistay Dekad tayo ahaan iyo Qurux ahaanba heer sare ah.

Somaliland waxa la quman in shirkadda Shafa Alnahda inta aanay Dalka ka guurin loo dhiibo mashaariico waaweyn oo Dalka quruxdiisa iyo horumarkiisa wax ka beddela
Sida waddooyinka , dhismayaasha Badaha, madaaradda , Beeraha oo ay dhammaantoodba awood u leedahay.

Mar uu hadlayay Maareeyaha Guud ee shirkadda Shafa Al Nahda Maxamed Rashiid wuxuu yidhi waxaanu xooga saarnaa badbaadada iyo Tayada ; Shaqaaluhu waa lafdhabarta iyo Guusha shaqadda iyo Shirkadda.

Rakad Mxd Sultan.
Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here