Taliyaha Ciidamada Bada Oo Ka Hadlay Xilka Laga Xayuubiyay Fariin Madaxwaynaha U Diray haddii karama jirto waa in cidamda darajadooda la siiyaa oo way mooraL xun yihiiin

0
337

Berbera(Ceelgardinews.com)Taliyihii Cidamadda Bada Somaliland Sareeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane oo maanta Xilkii ku wareejiyaay taliye ku xigeenka cidamda Bada Somaliland ayaa ka hadalay sabatii soo dadjisay Xilka Qaadidiisa waxanu sheegay inay ka dhalatay marka bada soo istaagay uuna ka qaatay go’aankii isaga la ficnaaday .
” Dhacdadii markabka anuu amnigiisa si baan u arkayaay sidii ugu habonayd baanan go’aankayga ka yeelay ka go’aan ahaan aniga laakin haday dawladu si kale u aragtay oo ay igu badashay waxba kama qabo oo waan soo dhaweeynayaa laakin anigu sidaan u arkay arintaa waxa lala wareegayaa waa intaa waa la iska badala kurisga waanana soo dhawaynayaa  ” ayuu yidhi taliyaha Cidamada Bada Somaliland .
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu siiyo dalacsiinta cidamda bada oo aan ilaa hada la siini ” waxa kale oo aan codsanayaa in dawladu igu wadacdo anigoo tabanaya xidigi cidamada bada oo laga reebay cidamdii kale waxan leeyahay haddii karama jirto waa in cidamda darajadooda la siiyaa oo way moorar xun yihiiin waxanana leeyahay cidamadda ha la siiyo darajadoodii ” Sidaa waxa yidhi Taliye Xiirane.

 

Ceelgardinews.com