Taliye Ku Xigeenkii Hore Saldhiga dhexe Maskax ahaan Ma Caafimaad Qabo” Taliska Booliska Somaliland

0
142

“Taliye Ku Xigeenkii Hore Saldhiga dhexe Maskax ahaan Ma Caafimaad Qabo” Taliska Booliska Somaliland

“Beenin warar been Abuura”
Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland , waxa uu halkan ka beeninayaa wararka waxba kama jiraana oo wiigagii u dambeeyay baraha bulshada lagu baahiyay , taasi Ciidanka Booliska JSL lagu sheegay ina Saldhigyada ka gaystaan tacadiyo iyo dhibaatooyin Maxaabiista lagu soo xidho.
Waxaannu cadaynaynaa ina warkaasi waxba ka jirin , tahayna dacaayado lagu dilaayo sumcada Ciidanka sharafta leh ee habeen iyo Maalin u adeegaaya shacabweynaha JSL .
Si khaasa waxay Ciidanka Boolisku u beeninayaan war uu faafiyey Yaxye Samaysne oo hore Ciidanka Booliska uga tirsanaa oo bahda Caafimaadkuna sheegeen inuu maskax ahaan caadi ahayn , Xilli uu Taliye ku xigeenka Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa ahaa, markii xaaladaasi la soo daristay , taliyaha Ciidanka Maxamed Aadan u soo badalay Taliska guud si halkaasi loogaga war hayo xaaladiisa guud, Waxaanu dhawaan u baxsaday dhinaca Soomaaliya , waxaannu ku maqan yahay baxsad.
Ciidanka Booliska Marnaba kama suuro gasho in ay xal iyo maslaxad ku dhameeyaan kiiskii uu ku sheegaayay Gabadha Oromada ah, balse waxa uu ka gutaa waajibaadkiisa sida uu qabo qodobka 405 ee xeerka ciqaabta guud.
Ugu Dambeyn Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu u soo jeedinayaa Cid kasta Oo warar been abuur ah bulshada ku jaah wareerisaa in ay ka waantoobaan.
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here