Thailand: 17 Rakaab Ah oo ku dhintay Bas Iyo Tareen Isku Dhacay

0
348

Cha Choeng Sao, (CN) – Ugu Yaraan 17 Rakaab Ah Oo Ku Dhintay, halka 29 Kalena ay ku dhaawacmeen Bas iyo Tareen Isku Dhacay, oo ku sii jeeday macbad ku yaalay gobolka Cha Choeng Sao ee dalka Thailand, maanta oo Axad ah.

Baska ayaa isagu ku sii jeeday macbadka ku yaala gobolka Cha Choeng Sao – laba saacadood uun markii uu ka soo dhaqaaqay caasimada Bangkok, si ay uga qaybgalaan xafladd diimeed “Vassa” ay lahaayeen Buddhistuhu, sida uu sheegay taliyaha bileyska Maitree Tritilanond ee degmadaasi.

Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray in Dhimashadu ay sii kordhayso oo ay ilaa iyo hadda maraysaa 17 qof, isagoo sheegay in shilku uu dhacay ku dhawaad sideedii subaxnimo.

Badhasaabka gobolka Maitree Tritilanond ayaa wariyeyaasha u sheegay in 29 qof oo dhaawac ah ay ilaa iyo hadda hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here