Ujeeddada Farriin Codsi ah oo ka timid Xuseen Bisad

0
293

– Xuseen Bisad oo ah Ninka labaad ee ugu dheer Caalamka isla-markaana ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Xaalad Caafimaad daro soo waajahday ka dib, markii Labadiisa Kelyood hawl-gabeen.

Xuseen Bisad oo hadda ku jira Cisbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa doonaya in lagu Caawiyo Keli lagu beddelo mid ka mid ah Kelyihiisa la sheegay inay Hawl-gabeen, si Noloshiisa loo badbaadiyo.

Xuseen Bisad, wuxuu  Dadweynaha ka dalbaday in loo ururiyo Tabarucaad si loogu helo Keli lagaga beddelo mid ka mid ah Kelyihiisa Hawl-gabay isla-markaana lagu daaweeyo.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal kooban oo lagu baahiyey Internet-ka, isla-markaana la soo raaciyey Sawirka Xuseen Bisad oo Dhakhtar jiifa.

Xuseen Bisad

Sidaa daraadeed, Dadka reer Somaliland ee ILAAHAY wax siiyey waxa looga fadhiyaa inay ka qayb-qaataan Tabarucaadka loo ururiyo Xuseen Bisad, si Noloshiisa loo badbaadiyo.

Halkan ka eeg Qoraalka Internet-ka lagu baahiyey

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here