Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed Oo Guddi U Magacaabay Ka Hortaga Cudurka Coronavirus ( SAWIRRO )

0
281

Muqdisho (CN)Marcjh 17, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Somali Medical Association ayaa iskugu yimid gelinkii dambe ee shalay kulan deg deg ah oo looga arinsanayey sidii dhaqaatiirtu ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka sida ba’an dunida ugu faafaya ee Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyey laga helay Soomaaliya.

Waxaa kulankan ka soo qeyb galay xubno ka tirsan dowlada Somalia, danjireyaal, dhaqaatiir kala duwan iyo qeybaha bulshada, iyadoo dhaqaatiirta kulankan ka hadashay ay walaac ka muujiyeen kiiska cudurkan ee laga helay dalka, iyagoo shacabka iyo DF ugu baaqay in la muujiyo isku duubni iyo dedaal lagu yareynayo saameynta cudurkan.

Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale ka waramay, halka uu ku yimid Viruska keena cudurkan, halista uu leeyahay, waxaa dhici kara haddii gudaha dalka uu ku faafo iyo qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo, waxayna shacabka ugu baaqeen iney qaataan talooyinka dhaqaatiirta ee la xiriira sida la isaga ilaalin karo cudurkan oo caalamka ku laayey kumanaan qof, tobanaan kun oo kalena ay la ildaran yihiin.

Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen dhaqaatiirta uu yahay mid muhimad gaar ah leh oo ku soo beegmay waqti xasaasi ah oo loo baahnaa sidii dhaqaatiirta ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen badbaadinta umadda, maadaama cudurkan uu cabsi weyn ku beeray bulshada.

Senator Dufle ayaa tilmaamay in cudurka ku faafo qunfaca, hindhisada iyo gacan qaadidda qofka xanuunka qaba, ayna waajib ku tahay qof walba inuu ilaaliyo talooyinka dhaqaatiirta.

Dr.Dufle ayaa ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka caafimaadka qaabilsan in dowladda Soomaaliya laga caawiyo sidii looga hortagi lahaa caabuqa Coronavirus.

Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf Max’uud ahna agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa isna sheegay inuu magacaabay guddi 13 xubnood ka kooban oo loogu talao galay iney la shaqeeyaan Wasaarada caafimaadka, bulshadana ku wacyi geliyaan ka hortaga cudurkan.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyuhu in dhaqaatiirta hadafkoodu uu yahay sidii loo garab istaagi lahaa howsha adag ee ay hayso Wasaaradda caafimaadka, isla markaana la muujiyo isku duubni iyo ka wada shaqeynta sidii arrintan wax looga qaban lahaa.

“Shacabkeena marka ay isku duubnaadaan wax weyn ayay soo saari karaan, runtii wacyi gelin joogta ah ayaan sameyneynaa Insha Allah, guddi ayaan sameynay guddigaas si toos ah ayay ula shaqeyn doonaan Wasaaradda caafimaadka, Alle ha nagu garab galo howsha aan qabaneyno” ayuu yiri guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Dr. Cali Saciid Fiqi oo kulankaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday halista cudurkan iyo xaalada adag ee dalku ku jiro wuxuuna xusay in DF ay wado dedaalo ay uga hortagayso cudurkan inkastoo awood badan aysan laheyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ALLE talo saartaa, lana yimaadaan dedaal iyo feejignaan dheeri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here