Ururka Gaadiidlayda Waaweyn Ee Tawfiiq Oo Eedo U Jeediyay Agaasimaha guud wasaarada gaadiidka iyo jidadka

0
454

Labadii wiig Ee u danbeeyay waxaa kulamo gar gaar ah yeelanayay xubnaha ururka Tawfiiq  Ee gaadiidlayd  waaweyn waxaanay ka Arin sanayeen sidii ay u qabsan lahayeen doorashadii madaxtinimada  Ururka Tawfiiiq  gaadiidka xamuulka ka qaada dekada berbera
Kulamadaasi waxa ka soo baxay in ay mudaysteen maalinta sabtida bari ah 25 /7/2020 inay qabsdaan shirkooda ay ku dooranayaan cida hogaamin lahayd labada soano e soo socda,
Hadaba caawa oo  ay u diyaar garoobayeen inay malinta bari ah Ee sabti ahayd ay  qabasadaan shirkaasi waxa ka hor yimid caqabado sida ay warbaahinta u shegeen xubno ka mid ah

Ururkaasi iyo musharixiin iyagu isku taagayay inay ka qayb galaan tar tanka jagaadasi gudoomie nimada ururka tawfiiq.
Waxaany ku eedaynayaan agaasimaha guud Ee wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cumar sayid in u caqabad ku noqday maamulkoodii iyo shirkii ay qabsan lahaayen waxaanu  hor  dhigay ayay yidhahdeen qodabo aan xeerkayaga ku jirin
Waxaanay sheegeen in qodabdaasi ay ka mid yihiin
1. In agaasaimaha guud u gacanta la soo galay kaadhadhkii xubnaha codaynayay oo tiradoodu dhameyd 51 waxaanu nagu xidhay ayay yidhahdeen shuruud ah in aan lagu daabicin magacyada ka qaybgalayasha shirka sidaa daraadeedna u isagu agaasime guud ahaan ku qori doono magacyada,
2. waxa kale oo ay ku Edeeyeen in u kala diray gudidii qaban qabada shirka e ay lahaayeen ururka tawfiiq ,sida Darteedna ay wasaarad ahaan iyagu mamuli doonaan doorshada, taas o ay ku tilmaameen masuuliyiintan ururka tawfiiq mid xeerar kooda baal marsan
3, sidoo kalena waxay inta ku dareen in u ku amray Agasimaha guud in 51 xubnood ee doorashada ka qayb galaya ay ku soo wareejiyaan mulkiyadii gaadiidka ay leeyihiin,
4. waxaa kale oo  ay ka biyo diideen siday warbaahinta u sheegeen Xubno Muhiim ah  ka tirsan ururka tawfiiq in musharixiita laga rabo lacag sida gudoomiayaha lacag dha n  5000,000 milyan o Somaliland shilling ah iyo ku xigeenkiis iyo xoghayaha oo  laga rabo midkiiba 3000,000 o Somaliland

shilling ah, waxaanay ku tilmaameen tacadi ay wasarada gaadiidku ula timid ururkan tawfiiq e darawlada gadiidku ku midoobeen,
Hadaba sida warbaahinta madaxa banan war ku heshayna sadexda xubnood e gudoomiyaha ,ku xigeenkiisa iyo xoghayah iminka talada sii haya waxa laga qaaday 11000,000 milyan  shilin,

halka warar kale  saxaafad loo soo dusiyayna ay tibaaaxayaan in musharixiin kalena laga qaday lacagtaasi,
Dabcana Agaasimaha guud e wasarada gadiidka iyo horumarinta jidadak  somaliland cumar sayid ayaa wiigii u danbeeyay ku sugnaa berbera waxaana wehelinayay agasimaha waaxda gaadiidka ,
Dhanka Kalena Xubnaha Ururkan tawfiiq ku midoobay ayaa badiba waxay aminsan yihiin in doorka wasaradu noqdo goob jog uun laakiin ay k s soo horjeedaan in hawlahooda doorasho iyo mamulka xafiiskoodaba in wasaaradu gacmaha lasoo gasho.

Eedaymahan loo soo jeediyay agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka iyo jidadka cumar sayid oo isku daynay inaanu wax ka waydiino ayaanay noo suuro galin telphone gacanta oo naga qaban waayay awgeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here