Ururka Sayfar Bio-medical Waste Mngt & Environmental Protection Ayaa Xafiis Cusub Ka Furtay Degmada Dan-gorayo oo Ka Tirsan Gobolka Nugaal Puntland.

0
336

Munaasibad xadhiga lagaga jarayay Xafiis Cusub Oo Ururka Maaraynta Qashinka iyo Ilaalinta Deegaanka ee Magaciisa la yidhaa SAYFAR ayaa lagu qabtay Degmada Dangorayo. Waxaana kasoo qaybgalay Munaasibada Xadhig ka jarista Xafiiska SAYFAR, Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada, Dhalinyaro, Haween, Madax dhaqameed iyo Maamulka Dawlada Hoose oo uu ugu Horeeyo Maayorka Degmada Dangorayo Mukhtaar Cabdiraxmaan Xaaji Axmed.

Waxaana halkaas hadalo mahadnaq iyo soo dhowayn ah kasoo jeediyay Masuuliyiinta Ururka Sayfar oo ay ugu horayso Gudoomiyaha Sayfar Marwo Saynab Sheikh Axmed oo ka warbixisay waxyaabihii loo aasaasay Ururka Wadaniga ah ee Sayfar oo ka shaqayn doona maaraynta qashinka kasoo baxa xarumaha caafimaadka ee lagu daryeelo bukaanka (biomedical waste) sida Hospitals pharmaceutical, MCH, Clinicsl Station, Tima jarayaasha. Sidoo kale sheegtay inay yihiin Muwaadiniin isku xilqaantay sidii ay uga shaqayn lahayeen Daryeelka Caafimaadka Bulshada iyo Ka hortaga Xanuunada Faafa iyo Badbaadinta Hooyada iyo Dhalaanka.

Sidoo kale waxa iyana ka hadashay Munaasibada Marwo Fadxiya Saleebaan oo ku dheeraatay doorka Bulshada ku leedahay Ilaalinta iyo daryeelka caafimaadka. Sheegtayna in haween ahaan loo baahan yahay inaynu xil iska saaraano basrintabqashinka ka hor inta aan banaanka loosoo saarin; waxaanay sheegtay in Sayfar maanta idiin keenay adeega qashinka gurka degmada Dangorayo, muhiimna ay tahay inaad gacan wayn naga siisaan basrinta iyo hagaajinta qashinka wax yeelaya caafimaadka ubadkeena iyo midka Deegaanka.

Waxa isna halkaa ka hadlay Nabadoon Maxamed Cabdiqaadir oo ku xusay muhiimada uu caafimaadka bulshada u leeyahay adeega ay Shirkada Sayfar qabanayso, yahayna mid loo baahnaa waqtigan. Sidoo kale waxa isna munaasibad hadal dheer ka jeediyay Madaxa Hawlgalinta Ururka Sayfar Maxamed Gacayte oo si faahfaahsan u sharaxay khatarta uu qashinku u leedahay saxada bulshada iyo deegaanka; Sheegayna in Mayorka Dangorayo oo ka codsaday in Sayfar ay ka shaqayso Xafiiska ka furato.

Mr. Gacayte wuxuu aad Ugu mahadnaqay dadaalka uu ugu jiro Mayor Mukhtaar horumarka deegaanka. Ururka sayfar uu si toosa ula shaqayn doono si Dangorayo ay tusaale fiican ugu noqoto degmooyinka dhigeeda ah ee Puntland. Sidoo kale mahadnaq u jeediyay Mayorka Boosaaso Eng. Yaasiin oo si fiican noogu soo dhoweeyay naguna garab istaagay; runtìina suurta galiyay in Sayfar saldhigeeda u wayni noqdo Boosaaso dhowaana lagu wareejin doono qalabkii iyo mishiinadii lagaga shaqayn lahaa Burburinta hadhaaga Dawooyinka Biomedical waste disposal system in Boosaaso.

Ugu danbayn waxa Munaasibada xadhiga lagaga jarayay Xafiiska Cusub ee Ururka Wadaniga ah ee Sayfar ka hadlay Mayorka ahna Duqa Degmada Dangorayo Mr. Mukhtaar Cabdiraxmaan oo si diiran usoo dhoweeyay Sheegayna in markii ay ku qanceen shaqada ay Sayfar qabanayso khibrada iyo aqoonta ay u leeyihiin Habka Maaraynta Qashinka Noocyadiisa Kala Duwan aanu ka codsanay in Dangorayo la keeno waanay naga aqbaleen aad baan ugu mahadnaqayaa in maanta aynu xadhiga ka jarno

Bulshada waxan leeyahay waa inaynu maamul iyo shiciba la shaqaynaa Sayfar oo ah Badbaadinta bulshada iyo mida deegaanka. Sidoo kale waanu doonaynaa inaanu Sayfar iska kaashano Horumarinta iyo Barnaamijka Wacyigalin ah oo ku saabsan Fayo dhawrka, Ilaalinta Deegaanka iyo Ka Hor Taga Xanuunada Faafa.