Usbuucan iyo saddex Digreeto Madaxwayne biixi ka soo baxay ,qalinkii Maxmed Deer

0
416
Usbuucan iyo saddex Digreeto
Madaxweynuhu Guddoomiyihii Saraar oo ahaa nin ay isku hayb yihiin baa uu gobolka Saaxil oo ah gobol dhaqaale badan oo ay dekeddii dalka ugu weynayd ku taallo u soo magacaabay. Si kale hadaan u dhigo Gobol (C) ah inta uu ka keenay ayuu u magacaabay Gobol (A) ah.
Toddobaadkii u dambeeyayna waxa dibadda u soo baxday inu si qarsoodi ah u magacaabay Wakiilka dalka dhaqaalaha badan ee aynu xidhiidhka cusub yeelanay ee Taiwan wiil kale oo ay isku beel yihiin. Taiwan waxay si toos ah u sheegtay inay Soomaaliland la gashay heshiis unkaaya xidhiidh diblomaasiyadeed oo dhammaystiran, oo ay Soomaaliland kala shaqaynayso, kana caawinayso arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo Tamarta. Madaxweynuhu isaga oo arrintaas ka duullaaya maankana ku haya fursada dhaqaale ee ku jirta ayuu maanta magacaabay Guddida Tamarta iyo Korantada Qaranka, guddoomiyena uga dhigay nin ay isku beel yihiin.
Guddidan waxa jidaynaaya Xeerka Tamarta iyo Korantada qaranka ee Xeer.Lr.81/2018, oo laba sanadood iyo badh ka hor la ansixiyay, sidaa awgeed waxa is weydiin mudan sababta uu madaxweynuhu guddidan xeerku qeexay u abuuri waayay laba sano ka hor markii xeerka la dhaqangeliyay, ee uu iminka u soo magacaabay? Waa ay iska cadahay oo fursad weynbaa u soo baxday oo Taiwan baa danaynaysa Tamarta dalka, oo lacag Balaayiin Dollar ah ku bixinaysa.
Ugu dambayntii magaacaabisahaas uu madaxweynuhu beesha uu ka soo jeedo u hibeeyay waxay leeyihiin laba ujeeddo midkood:
(1) In Muuse Biixi badheedhay oo uu dano shaqsi ah oo dhaqaale urursi ah u xuub siibtay (2) ama inu beesha uu ka soo jeedo ciil u qabo oo uu ummadda ku diraayo, oo uu doonaayo inay la godoboodaan oo Sacad Muuse ama HA qabiil ahaan loo la colloobo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here