W/Q Cabdiqaadir Fartaag Gollaha Deegaanka waxa loo doorta inay ka arimiyaan Degmo iyo dadkeeda oo u doortay inay: Ku metelaan, ka shiraan

0
354

 

W/Q Cabdiqaadir Fartaag

Gollaha Deegaanka waxa loo doorta inay ka arimiyaan Degmo iyo dadkeeda oo u doortay inay:
Ku metelaan, ka shiraan, goaan ka gaadhaan wax kasta oo khuseeya Nolosha bulshadooda sida:

1. Caafimaadka
2. Waxbarashada
3. Laydhka
4. Biyaha
5. Shaqo abuurka iyo shaqaalaysiinta
6. Dhaqaale abuurka iyo kobcinta Dakhliga Muwaadinka Caadiga ah.

Arimahaas iyo kuwa kale oo badan waa wixii ay lahaayeen noo doorta anaga qabane.

Dhalinyarta Berbera ee CVyada kolba meel la taagan ee beenta loo sheegayo ee meehanowgu dilay waa calool xumo iyo Murugo inteed leeg.

Laakiin Baga ayay taasi idinku dhacday, sow maydaan reernimo u xiiqsanayn, sow may doonayn oo kaliya in reerkiinu Xildhibaan yeesho, Dee xildhibaankiina waad leedihiin, ee Xildhibaanku laydh, Caafimaad, shaqo, iyo wax barasho ha idiin noqdo, oo xafiisyada ka daaya buuqa, Madaxdana ha dawakhinana

Canaanta nafihiina, cid kale ceeb ma lahee, calal aqal kuwa ay so baxeen xildhibanada reerkoodu yaanay badhasaab ku maraysane raadsada xildhibaankiini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here