Waa in Aad [Wasiir] Wax Ka Qabataa Umaddan Daba Yaacda Madaxweynaha Maalinta Uu Dhoofayo Iyo Maalinta Uu Soo Degayo

0
382

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa si weyn uga digay halista nabadgelyo ee ka dhalan karta dadka tirada badan ee hareera yaaca safarrada madaxweyne Siilaanyo dalka kaga baxayo iyo kuwa uu kusoo laabanayoba. Wasiir Caddaani oo maalintii shalay ka hadlayey madashii uu xilka wasaaradda duulista ku wareejinayey, ayaa talooyinkii uu siinayey wasiirka cusub ee Duulista ka beddelay kusoo daray halista dadka sida nidaamka aan waafaqsanayn ugu soo qulqula madaarka Cigaal International Airport, waxana uu sheegay inay dadkaasi khatar ammaan ku hayaan dalka. Wasiirku waxa uu usoo jeediyey wasiirka cusub ee duulista inuu arrintaas wax ka qabto, maadaama oo ay ammaanka madaarka dadkaasi khatar gelin karaan.

“Nabadda umaddan cidna uga haybadaysan mayno, ciddii ay doontaba ha ahaatee waxa lagu khasban yahay in nidaamka la mariyo, Talada Aan Ku siinayaa waa inaad ka taliso khatarta kasoo socota Maalinta madaxweynuhu dhoofayo iyo Maalinta uu soo degayo umaddan daba yaacaysa.”Ayuu yidhi wasiir Caddaani. Waa markii ugu horraysay ee wasiir xukuumadda katirsani si toos ah afka ugu dhufto sida habaqlaha ah ee loo bahdilo socdaalka madaxweynaha, iyadoo dadka badankiisu maanka ku hayaan in xubno oo xukuumadda katirsani door laxaad leh ka qaataan arbushidda shaqaalaha madaarka xilliga xaaladaas lagu jiro. Xubnaha xilalka ka haya xukuumadda ayaa u badan dadka tiro dhaafka ah ee madaarka buux dhaafiyo xilliyada madaxweynuhu safrayo iyo marka uu soo degayoba, waxase laga yaabaa in baaqan uu wasiir caddaani soo jeediyey wax badan ka tari doono sunnahaas khaldan ee la caadaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here