Waa Kuma Guddomiyaha Maxkamada Gabiilay Halkan Ka Akhri Warbixin Laga Faaloonayo

0
353

Waxan qoralkan u qaatey in aan maanta ka markhati noqdo hadal hayn mudo badan dhagaheygu maqlayeen dhaayaheyguna arkeen oo inta badana qeybaha kala duwan ee bulshada reer gabiley ilaa togwajaale saameyn balaadhan ku yeelatey.
Qodobka aan ka hadlayaa waa lafdhabarta nolosha adamaha waana tiir dhexaadka dal iyo dadkiisu hadii ay helaan oo isku dhaqaan ay mahadiyaan illaaheyna uu ugu gargaara .
DAD CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC.

Marka aynu hoos ugu dego nuxurka qoraalkeygan iyo ujeedadiisu waa mid aan qaybaha kala duwan ee bulshada degaanka balaadhan ee gabiiley uga markhati kacaayo in gudomiya maxkamada gobol iyo degmo yahey shaqsi ku dayasho mudan isla markaana shaqsiga keliya ee ay bulshada degaanku isaga marag furayaan inuu yahey gudoomiye maxkamadeed oo gabiley soo mara kii ugu mudnaa isla markaana ugu cadaalad badnaa ee intii somaliland jirtey soo mara gabiiley .

Dadka reer gabiiley ee 24 saac fayl maxkamadeed uun la hortaagnaa xayndaabka maxkamada imika waqti xaadirkan maba jiraan sababtoo ah wax allah wixii isdaba meereysi ahaa waa lasoo afjarey mana arkeysid cid ka cabaneysa gudomiye iyo garsoore toona sidaa waxaa ii sheegey nin weyn oo aan saka kula kulmey xayndaabka maxkamada.
Marka aad is taagto albaabka maxkamada gabiiley oo aan hore u ogaa in indhuhu kasoo boodayaan basiirada iyo busaarada iyo kuleylka ka muuqda ayaa waqti xaadirkan waxaad moodaa bilicda ka muuqata meelaha lagu nasto ee cafeega lagu cabo.
Dhirta ubaxa leh iyo noocyada kala duwan ee dhirta ubaxa bixisa ee ka beeran ayaa qofkasta oo dacwad u socdaa is weydiiyaa .
Kiis kasta oo maxkamada la keenaa waqtigiisa la muddeeyey ayuu dhageysigiisu bilaabmaa kuna dhamaadaa go’aan cadaaladi ka muuqatana ku dhamaadaa manaan arag cid sigaara uga cabanaaya .

Haa gari laba nin kama wada qosliso lkiin xaqiiqdu waxay tahey ma jiro ama ma jirto cid dacwadii loo qaadey ka biyo diidey oo cabashadooda ku gar heley ama cabashadooda garawshiiyo kaga heshey hay’adaha garsoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda .isku soo wada duuboo gudomiye cabdikariim waa shakhsi nadiifa aqoon diimeed iyo mid garsoorba leh isla markaana ku dhac iyo kalsooniba leh kuna adag cadaalada bulshada dhexdeeda yar iyo weynba ciroole iyo caruurba ay u siman yihiin .
Gudomiye cabdikariim cumar cabdi.
Waa nin ay ka go’antey inuu umadiisa ugu garsooro cadaalad isla markaana mur hadey ka qadhaadhahey aan ka leexaneyn cadaalada iyo inuu ka midho dhaliyo ujeedadii garsoorka dalka dibuhabeynta loogu sameeyey in badana lagu celceliyey in la helo garsoor iyo garsoorayaal umada cadaalad ugu adeega waana shaqsiyad ay ka muuqato sharaf iyo haybad cadaaladeed yar iyo weynbana ay bulshadiisu qadarin u hayso.

Gabagabadii cadaalada biyo dhigtey maxkamadii gabiiley waata ka muuqata xayndaabka maxkamada gobolka degmada gabiiley waxaan illaahay uga baryayaa inuu illaahay garabkiisa galo oo cimriga caafimaadka cibaadadaba u barakeeyo waana hubaal qofku inuu xaga allena raali ahaansho ka helaayo marka uu cadaalad umadiisa ugu garsooro umadiisa dhexdiisana karaamo iyo sumcad ku dhex yeesho sida cabdikariim cumar cabdi allaaya baarik.
Fiiro gaara qoraalo kooban oo aan kaga hadlaayo xukunadii tobanaanka sano jiitamayey ee uu gudomiye cabdikariim xukunada cadaalada ku saleysan iyo xukunada ka ridey iyo kiisas kale oo hadadaas socdaba aan kusoo ururin doono ayaan todobaadkan soo bandhigi doonaa.insha allaah khasab ayaaney noqonaysaa inaan qoro wixii horumar iyo waxqabad ah sidii aan u qori lahaa hadii cadaalad daro iyo musu dhinaca garsoorka ahi ka jiro degaanada dalka iyo kan gabileyba sidaa iyo la socod wanaagsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here