WADDANI OO NOQDAY XISBI KU DURYA HORUMARKA QARANKA USOO KORDHA

0
273

Hargeysa:(Ceelgardinews.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa bilaabay tumidda durbaanno uu kaga soo horjeedo tallaabooyinka horumarineed ee laga gaadhay heeshiiskii xukuumaddu ku oggaaladay in dibu habayn iyo casriyeyn ballaadhan lagu sameeyo marsada weyn ee Berbera, waxana  uu xisbigaasi si indho la’aan ah dadka ugu baaqay inay mudaharaad sameeyaan.

Xisbiga Waddani waxa uu saacado kadib markii la kala saxeexday heshiiska shirkadda Dubai World Port iyo xukuumadda Somaliland bilaabay eedo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku nashuushadaynayo heshiiskaa, waxana uu ku baaqay in rabshado la sameeyo si meesha looga saaro heshiiskan la aaminsan yahay inuu marsada Berbera ka dhigo mid la tartanta dekedaha kale ee gobolka ku yaalla.

Baaqa sida aan cilmiyeysnayn ee sal fudaydnimada ah uga soo baxay saraakiil aan awood buuxda ku lahayn xisbiga WADDANI dhexdiisa, ayaa u muuqda mid daaran oo kaliya inuu dhegaha shacabka geliyo tashuush, isla-markaana indhaha bulshada loo tusi lahaa sawir qaldan oo ka duwan midka runa ah ee heshiiskaas horumarineed leeyahay.

Heshiiska lagu maalgelinayo dekedda Berbera, ayaa ah mid aan xukuumaddu qaranin, isla-markaana maraya marxalado kala duwan, iyadoo sidoo kalena la horkeeni doono golaha Baarlamaanka Somaliland oo naaqishi doona.

Tallaabada uu xisbiga WADDANI kaga soo horjeedo heshiiska lagu horumarinayo marsada Berbera, ayaa muujinaya sida aanu xisbigaasi raalli uga ahayn wanaagga daka usoo kordha, isla-markaana u diyaarka ugu yahay inuu tashuush ku furo wax kasta oo horumar loo arki karo, dadkuna u riyaaqaan.

Hore ayey saraakiil xisbigaas katirsani uga soo horjeesteen arrimo dalka horumar ugu jirey oo xukuumaddu ku tallaabsatay, waxana ay taasi dhalisay inay shacabku shaki badan ka muujiyaan hannaanka xisbigaas uga falceliyo wax kasta oo xukuumaddu horumar u aragto.

Diiradda xisbiga WADDANI, ayaa  astaan u noqotay inay soo qabato wanaag kasta oo dalka u soo kordha, isla-markaana u turjunta xumaan iyo guuldarro, waxana ay ka bakhaylaan inay hambalyeeyaan horumarka dalka usoo kordhaya, iyagoo taas beddelkeedana door biday inay guuldarro ku tilmaamaan guul kasta oo qarankani gaadho.

Kuma dhiirrado xisbigani inuu qiraal ka bixiyo waxyaabaha bulshadu u aragto inay yihiin tallaabooyin horumarineed oo ay xukuumadda talada haysaa ku tallaabsatay, waxana  ay inta badan ku shimbo-waaqleeyaan guulaha qaranku gaadhay iyagoo ujeeddadoodu tahay inay xasadaan horumarka ku yimi gacmo aan kuwooda ahayn.

Xisbiga WADDANI waxa uu bulshada dhexdeeda u yaalla sawir muujinaya inay samaha ka fog yihiin, isla-markaana u heellan yihiin dhibaatada, maadaama aanay waligood qirin oo maraga ka furin guul qaranku gaadhay tan iyo intii uu xisbigaasi soo galay shaashadda axsaabta dhammaadka sanadkii 2012-ka.

Waxa taxane ka noqotay xisbiga WADDANI dhexdiisa nacaybka guulaha qaranku gaadhay iyo waliba u sacabbo tunka arrimo kaskooda oo kaliya ku kooban, waxana ay muujiyaan diidmooyinkooda la xidhiidha innay si qarannimo ku jirto u qaataan go’aamada siyaasad ahaan lagu kala aragti duwan yahay.

Maanka iyo maskaxda shacabka reer Somaliland waxa wali kasii guuxaya go’aamo dhawr ah oo xisbiga WADDANI kaga soo horjeestay danta iyo midnimada umadda, iyagoo marar badan ooh ore ku baaqay mudaharaaddo dalka laga qabto, balse shacabka samaha jeceli aanay dheg jalaq u siinin.

Nacaybka xisbigaasi u hayo danta guud ee umadda, ayaa waxa ugu dambaysay baaqii ka dhanka ahaa go’aankii qaran ee lagu gaadhay in diiwaangelinta codbixiyayaasha muddo hal bil ah dib loo dhigo oo ay kasoo horjeesteen, taas oo muujisay inaanay diyaar u ahayn in danta shacabka laga fekero xilli shacab badani gaaji iyo harraad u dhimanayeen.

Gebogebadii xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxa looga baahan yahay inay indhahooda u faraan samaha iyo horumarka dalka usoo kordhaya, isla-markaana mucaaridnimadooda ka dhigaan mid wax dhisaysa oo aan niyad jabinnaynin yididiilada ay shacabka helayaan ee la xidhiidha tallaabooyinka horumarineed ee xukuumaddu qaadayso.