XUBIN MIISAAN KU LEH XISBIGA WADDANI OO ISTIQAALAD DHIIBTAY

0
309

Hargeysa:(Ceelgardinews.com)-Waxa wali sii socda dildilaaca sida joogtada ah ugu socda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo saldhigiisu yahay casaabadda uu kasoo jeedo guddoomiye Cirro oo cadaadiskooda looga yaacayo xisbigaas.

Dhibka casaabadda ka dhashay, ayaa keenay in xubin miisaan culus xisbigaas  ku lahayd oo lagu magacaabi jirey Nuura Axmed Waris, una qaabilsanayd Washington iyo nawaaxigeeda ay gebi ahaanba xilkii ay haysay iska casishay, kadib markii ay dhadhamisay dhibka casaabadda guddoomiye Cirro ku hayso xubnaha xisbiga katirsan.

Guddoomiye Nuura Axmed Waris oo ahayd xubintii qabanqaabisay isla-markaana daadihinaysay dhammaanba safarradii kala dambeeyey ee uu guddoomiye Cirro ku joogay dalka maraykanka, ayaa shaacisay inay xilkaas ka tagtay, taas oo nitaaqo iyo niyad jab weyn ku noqotay gebi ahaanba xisbigaas.

Sidoo kale guddoomiye Nuura Axmed Waris waxa ay hoggaaminaysay kulamadii uu guddoomiye Cirro ku qaatay gudaha carriga maraykanka, gaar ahaan kuwii uu la qaatay xubnaha ajaanibka ah waxana ay ahayd xubin firfircoon oo caan ka ahayd dalka Maraykanka.

Marwo Nuura, ayaa iscasilaadeeda ku muujisay warqad qoraal ah oo ay soo saartay, isla markaana ay nuqul kamid ah soo gaadhsiisay Hubaal, waxana ay sheegtay inay xilkii iskaga casishay arrimo iyada gaar u ah, waxana qoraalkaasi u dhignaa sidatan:

nuura-Axmed

Is-casilaad Xilkii Xisbiga WADDANI

Anigoo ah Nura Ahmed Waris, ahaana Gudoomiyihii Xisbiga Qarankee Wadani ee Gobolada

Virginia, Maryland iyo Caasimada Mareykanka ee Washington dc.

Waxaan maanta oo ay bishan shanaad tahay Shan sanadka 2016  iska casilay xilkaas aan u hayay

Xisbiga Qaranak ee Wadani, taas oo ay igu kaliftay dano aniga ii gaar ah.

Xilkaas oon hayEy  mudDo ah sanad oo aan si fiican oo sharaf iyo xilkasnimo ku dheehan tahay ugu shaqeeyay.  Waxaan u sheegayaa madaxda sharafta leh ee xisbiga, taageerayaasha iyo dhamaan reer Somaliland in aan xilkaas laga bilaabo maanta aan dib ugu ciliyay xisbigii Wadani.

Waxan halkan ka cadaynayaa in aanan halkaa kaga hadhi doonin hankayga ah Siyaasada Somaliland,

oo aan sii wadan doono…Kolkaan dhamaysto danaha ii gaarka ahna aan dib idiinku soo sheegi doono halkaan u digo rogan doono.  Waxaan u rajaynayaa xisbiga wadani iyo madaxdiisaba Guul  iyo Gobonimo.

Waad Mahadsantihiin

NUURA AHMED WARIS

Gudoomiyihii hore ee xisbiga wadni ee Washington dc iyo nawaaxigeeda

Nwaris2016@gmail.com

Sources Hubaal.net