Wadooyinka Moqdisho Oo Maanta Xidhan Iyo Dawlada Oo Ka Hadashey Sababta .

0
284

Moqdisho ( Ceelgardinews.com ):- Inta badan jidadka waa weyn ee magaalada Moqdisho ayaa la xidhi doona maanta oo ay bishu tahay 12.04.2017 isla markaana waxaa faahfaahin iyo cudur daar ka bixisay sababta wadooyinkaasi loo xidhaayo dawlada Somaliya

Related image

Sababta loo xidhaayo wadooyinkaas waxaa ay tahay dabaal deg weyn oo maanta loo sameyn doono aas aaska ciidamada xooga dalka Somaliya oo maalintii la aas aasey ay ku beegan tahay maanta .

 

Warbaahinta dawlada ayaa saaka ilaa xalay waxaa ay sii deynaayeen fariimo ay dadka ugu sheegayeen in wadooyinka la xidhi doono isla markaana ay kaga codsanayeen in ay dul qaataan mudadaas ay xidhan yahiin .

Waxaana la filayaa in dhoolatuskaas ay ciidamadu sameyn doonan in uu ka qeyb galo madaxweynaha dalkaasi Maxamed Cabdilaahi Farmaajo