La-Taliyahii Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka oo Hadda Is-Casilay+ Faahfaahin uu Ka Bixiyey Sababaha Iscasilaadiisa

0
301

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ):-La taliyahii arrimaha doorashooyinka Madaxweynaha Somaliland Md.Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar(Cabdillaahi Jawaan), ayaa hada iska casilay xilkii uu ugu magacownaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu badka soo dhigay sababaha kalifay is-casilaaddiisa oo uu ku sheegay in taladii dalka ay maamulaan dad aan loo dooranin.

Md.Cabdillaahi Jawaan, ayaa hadalkan ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaana arrintani ku soo beegmaysaa wakhti si weyn dalka loogga hadal hayo isla mar ahaantaana la isu weydiinaayo cidda ay ka go’do talada dalka Somaliland, iyada oo inta badan Madaxweyne Siilaanyo lagu dhalliilo in aanu talinin balse ay qasriga Madaxtooyada ka taliyaan haween isbahaystay iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin uu hoggaaminaayo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here