Waftigii Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee ku sugnaa Dalka kenya,

0
374

Waftigii Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee ku sugnaa Dalka kenya, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay, Safiirada Waddamada Finland iyo SWEDEN u fadhiya Dalka Kenya.

Masuuliyiinta Xisbiyada iyo safiirada ayaa kawada hadlay, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii Somaliland looga caawin lahaa Qabsoomidda Doorashooyinka, dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba.

Masuuliyiinta Xisbiyada ayaa ka koobnaa, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Murashaxa Madaxweyne ee WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi(Cirro), Murashaxa Madaxwayne ku xigeen Maxamed Cali, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax iyo Xoghayaha Guud Ee WADDANI Khadar Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here