Waftigii Xisibiga WADDANI Ee SAME-WADDE Oo Si Diiran loogu soo dhaweeyay Galbeedka Gobalka Saaxil

0
236

Berbera(Ceelgardinews.com)Weftigii SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ay ku wacyi-gelinayaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ku maraayey deegaano ka mid ah gobalka Saaxil, ayaa ay maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Galbeedka Gobalka Saaxil.

Waxaana socdaalka weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen xubno ka mid ah hoggaanka Sare, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, Xildhibaano .

Goobaha sida balaadhan loogu soo dhaweeyey Waftigan SAME-WADDE ayaa waxa ka mid ahaa Geeri, Degmada, Bulaxaar,Boodaale Iyo Ilinta Dhexe Shacabka geeri ayaa

caleemo qoyan iyo calanka astaant u ah xisbiga ku soo dhaweeyey Waftiga SAMA-WADDE ee Xisbiga WADDANI.

Mid ka mida Odayaasha Tuulada Geeri ayaa sheegay in ay si farxad leh u soo dhawaynayaan Waftigan uu hogaaminaayo Gudoomiye Cirro waxaana uu ku bogaadiyeey Sida uu isku soo hawlay sida uu xogogaal ugu noqon lahaa xaalada ay ku siganyihiin iyo waxa ay u baahanyihiin.

Dhankiisa waxa halkaasi uga mahadnaqay gyudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweyeen Dad weynaha Reer Geeri .

Sido Kale Waxa si qiimo leh logu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Iyo Waftiga SAME-WADDE Degmada Bulaxaar oo ah magaalo qadiimiya waxaana halkaasi la taagnayeen bulashadii soo dhawaynasay Waftiga Caleemo Qoyan Iyo Calanka Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mida odayaasha iyo waxgaradka degmada bulaxaar ayaa sheegay in uu yahay masuulkii u horeeyay ee soo gaadha degmada Bulaxaar gudoomiyaha Xisbiga WADDANI sido kale waxa ay shegeen in ay ku faraxsanyihiin Booqashadiisa .

Odayaasha Degmada Bulaxaar waxa ay shegeen in aanay jirin wax adeeg Dawladeed ah oo halkaasi ka fulay ama laga hir galiyeey waxa sido oo kale shegeen in ay ka digo rogteen xukuumada haatan dalka ka jira oo ay ka qayb qaadanayaan xisbiga is badal doonka ah ee WADDANI.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa sido kale uga mahadnaqay Dad weynaha soo dhaweeyey Waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin bulsho u heelan sidii ay u heli lahayeen Is badel buuxa Gudoomiyaha oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “waxaan idiin ka mahadnaqaynaa sida aad nugu soo dhawayseen Degmada bulaxaar waa magaalo qadiimi ah waan ognahay in ay dhibaatooyin badan ay idin haysataan oo ay ka mid tahay adeeg la’aanta isin haysata taas oo macneheedu tahay Dawladii Dalkan ka Talinaysay ayaa Qadisay Deegaanadan.

Gudoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “ Xisbiga WADDANI waa xisbi mucaarid ah oo is badal doon ah isla markaana doonaaya hadii uu ku guulaysto jagada dalka in uu wax badan dalka u qabto idinkana waxaan idinka filaynaa in aad nugu tagaeertaan Codkiina si aanu ugu soo baxno Talda Dalka” Ayuu Yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu sida oo kale xadhiga ka jaray xafiisyo uu xisbigu ku yeelan doono Degmada Bulaxaar iyo tuulada idhanka dhexe.

Gabagabdii waxa waftiga loogu qado sameeyay Tuulada Boodaale oo iyana si balaadhan loogu soo dhaweeyay waxaan halkaasi Waftigu u soo dhaafey Dhinaca iyo Magaalo madaxda Ee Somaliland Hargeysa