WAKAALLADA WARARKA EE ITOOBIYA OO WAX KA QORTAY XILLIGA AY XUKUUMADDA SOMALILAND DHAMMAYNAYSO BALLAADHINTA DEKADDA BERBERA

0
291

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay xilliga uu dhammaanayo mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera oo shirkadda DP World ku maalgelinayso hanti gaadhaysa $442 milyan iyo qorshahooda soo jiidashada badeecadaha ganacsi ee Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo u waramay wakaalada wararka Itoobiya ee Walta, ayaa daboolka ka qaaday in shirkadda DP World dib u qaabayn doonto adeegyada dekedda, kuna kordhin doonto goob badeecadaha kontiinarrada rogta, isla markaana 16 bilood ka dib u diyaar noqon doonto dejinta badeecadaha Itoobiya.
“Dekeddu fursad wanaagsan ayey u tahay Itoobiya u adeegsiga soo dejnta iyo dhoofinta, sababtoo ah masaafada dekeda Berbera ilaa Addis Ababa waa la mid inta Addis Ababa iyo Jabuuti u jirto. Dariiqa isku xidhaya Berbera iyo Addis Ababa waa faa’iido,” ayuu sheegay Wasiir Sacad.Inkastoo xilligan dalka Itoobiya adeegsadaan dekeda Berbera, siduu sheegay, xaddiga badeecadu ma badna, waxayna u badan yihiin cuntooyinka gargaarka. “Caqabada u weyni waa kaabayaasha dekeda, maadaama aan loo dhisin qaab badeecadaha konteenaradu ka soo degaan, waana sababta shirkada DP World heshiiska loola galay inay balaadhiso, kuna darto goob lagu rogo kontiinarrada, si ay u qaabisho badeecadaha kontiinarrada ee Itoobiya,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in khidmada dekedu noqon doonto mid macquul ah, oo la jaan-qaada tartanka suuqa xorta, taasoo ganacsade kasta oo Itoobiyaan ah ku kala dooran karo dekeda uu ganacsigiisa u adeegsanayo Berbera iyo Jabuuti. Laakiin, Wasiir Dr. Sacad ayaa raaciyey in dekeda Berbera ku dedaali doonto inay soo jiidato ganacsiga kontIInarada Itoobiya.

Dekedda Berbera oo masaafo gaadhaysa 937Km caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa u muuqata dekedda labaad ee loo adeegsan karo ganacsiga kobcaya ee Itoobiya, ayay qortay wakaaladda wararka ee Walta.