War Culus:Musuq-maasuqa Madaarka Kastamka Hargeysa Oo Noqday Sil Silad Taxan Hargeysa Ilaa Gabiley IyoTaliyaha Waaxda Kastamka Madaarka Hargeysa Oo Xatooyo Qaran Ku Kacay Iyo Cadaymaha War-baahintu Heshay.

0
334
Berbera (Ceelgardinews.com)Musuq-maasuqa ka taagan kastamka madaarka Hargeysa ayaa noqday sil silad taxan, kaas oo ah mid ay masuuliyiinta kastamku dhammaan ku kaceen, Taliyaha qaybta kastamka madaarka Hargeysa Xuseen Axmed Xasan (Qows) oo u xilsaaran isagu ilaalinta amaanka cashuuraha kastamka madaarka, ayaa ku kacay xatooyo hanti qaran,ka dib markii uu lunsaday lacag dhan 47 kun oo doollar,taas ah oo lacagtii cashuurta qaranka ee ku dhici lahayd sanduuqa cashuuraha,Mr Qows oo ah ninka labaad ee musuq-maasuqa madaarka Hargeysa nafeeyey ku kacay, ayaa xilka taliye nimo ee kastamka madaarka hayey muddo 17 sano ah waxaanu ku dhigtay guri uu leeyahay,isagoo bartay xirafado kala duwan oo uu ku boobo hantida qaranka.
Taliye Qows iyo maamulaha kastamka madaarka Hargeysa iyo weliba xuluufo kala oo kastamka ka shaqaysa ayaa ku shuraako ah lunsiga cashuurta,iyagoo iska ilaaliyaan shaqaalaha kale ee kastamka ka hawlgala,waxaana xusid mudan in lacagaha ay lunsadaan u qaybsadaan sida ay u kala darrojo sareeyaan kooxdani.
Dhanka kalena waaxda lacag qabashada kastamka madaarka iyo guud ahaanba kastamada dalka, ayaan haba yaratee lacagta cashuurta ku qaban adeegyada Zaadka iyo Edahabka iyo lacagta dollarka toona,waxaana lagu qabtaa lacagta cashuuraha lacagta Somaliland, taasi cadaynaysaa in lacaganaha Zaadka iyo adeegyada kale lagu diray ay yihiin qaar la lunsaday oo la leexsaday.
Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo qaranka kaga suntan baal dahab ah, iyadoo la sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn musuq hadheeyey kastamka madaarka Hargeysa,taas oo muddooyiinkii ugu dambeeysay debada ugu maqnay xaalada caafimaad,balse hadda soo guryo noqotay ayaa laga sugayaa in ay ka dereen celiso musuq-maasuqa ka taagan kastamada Dalka oo dhan.
Ceelgardinews.com
Berbera Office