War Deg Deg Ah Afhayeenkii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadni Iyo Dhalinyaro kale oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
288

-Hargaysa (Ceelgardinews.com) Afhayeenka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI iyo sida oo kale Maxamuud Axmed, ayey ciidamada booliska Somaliland ay goor dhaweyd u taxaabeen xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa.

Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen, ayaa sheegayaa in dhallinyaradan oo abaabulaysay shir-jaraa’id  oo ay ku cambaareynayaan xadhig habeen kii xalay iyagana xabsiga looggu taxaabay  laba dhallinyar ah oo la kala yidhaahdo Nuuradiin Ibraahim iyo Sheekh Maxamed Ducaale, ku waasi oo maalmahii ugu dambeysay waday olole ay kaga soo horjeedaan dhaxal wareejinta dekadda magaalada Berbera, ayaa ay ciidamada Boolisku dhallinyartan saaka ka qabteen hotel Dalxiis ee magaalada Berbera.

Dhallinyar

Si kastaba ha ahaatee, xadhiga dhallinyartan la ugaadhsanaayey illaa xalay fiidkii, ayaa ah mid Madaxtooyadu ku qodox tirayso in aanay cid reer Somaliland ahi haba yaraatee aanay ka soo horjeesan heshiiska dekadda magaalada Berbera oo ay hore dhallinyartani u soo bandhigeen khaladaadka Maaliyaddeed iyo Sharci ee ka buuxa heshiiskaasi.

Wararku, waxa kale oo ay intaas ku darayaan in iyagana sida oo kale lagu raad jiro dhallinyar kale oo iyaguna laba cisho uun ka hor si weyn u dhalliilay heshiiska dekadda Berbera.