War Deg Deg Ah Doodi Xidhibaanada Golaha Wakiilada Ka Lahaa Heshiiska Xukumada Somaliland La Soo Gashay Shirkada D.P.World Natiijo la.aan Ku Soo Dhamaaday + Xogo Kale Golaha laga helaayo

0
351

Hargaysa (Ceelgardinews.com) War Deg Deg Ah Doodi Xidhibaanada Golaha Wakiilada Ka Lahaa Heshiiska Xukumada Somaliland La Soo Gashay Shirkada D.P.World Ku Wareejinaysay Dekeda berbera  Natiijo la.aan Ku Soo Dhamaaday

download (1)

Dooda Maanta aad u xaasxaasi ahayd awgeed ayaa wakhti loo waayay in cod loo qaado heshiiska dhawaan xukumadu keentay waxaana fadhiga ka soo xadiray mudanayaashi ugu badnaa ee mudo dhow sano ah golaha soo fadhiista

.kulan danbe ayaa maalinta bari ah loo balamay oo fartaan ah iyo in wax kabedel iyo kaabis lagu sameeyo iyadoo xukumada loo diraayo qoraal laga dalbaanyo inay golaha horkeento heshiiska dhabta ah ee la gashay shirkada carbeed

Dhanka kale xukumada somaliland ayaa barxada hore golaha wakiilada hor keentay dad badan oo waji ku macaash ah oo baabuur wata oo tageersan heshiiskan iyo ciidamo tiro badan oo heegan buuxa la galiyay waxaana ciidmadaasi fiiro gaara u lahayeen cida ka soo horjeeda heshiiskaasi dhaxal wareejinta dekeda inay xidhaan iyagoo difaacay kooxa waji ku macaashka ah ee xukumadu soo abaabushay