Hargaysa (Ceelgardinews.com) warar xaqiiqo ay isla markaana ay shabakada Haqabtirenews.com ay ka heshay dad ka ag dhaw ayaa waxaa ay sheegayaan in fanaanada caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan loo taxaabey xabsi ku yaala dalka Denmark gaar ahaan caasimadiisa Copenhagen .
Fanaanada caan baxaday ee Hodan Abdiraxman oo mudooyinkii danbe fadhiisinkeedu ahaa magalada Nairobi ee casimada dalka Kenya ayaa horaantii bishii Augusta safar ugu baxaday dalka Germany gaar ahaan magalada Frankfurt iyadoo qorshaheedu ahaa inay dhaqalo ka sii urursato wadamada yurub ka dibna ku noqoto dalkii ay deganayad USA.
Hadaba todobaadkii hore ayaa iyadoon ku nasan wadanka Germany waxay safar dhulka ah ay is tidhi fanaanadu uga gudub wadanka Denmark iyadoo waliba gadhiga ay saarneyd uu ahaa gadhi riski ah oo lagu qaaday qaad kaas oo dalalka yurubta siba Denmark ka mamnuuc ah
Waxaana ay taasi sabab u noqotey in fananada ay maalmihii ugu danbeyay ku jirtay Xabsi ku yaala wadanka Denmark gaar ahaan casimadiisa Copenhagen.
XIGASHO HAQABTIRENEWS.COM