War Deg-Deg ah: Farmaajo oo sheegay in dowladda ay qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab, Musuqmaasuqa

0
323

War Deg-Deg ah: Farmaajo oo sheegay in dowladda ay qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab, Musuqmaasuqa

Ceelgardinews.com(Muqdisho )–Madaxweyne Farmaajo, oo maanta ka qeyb-galayay shirka golaha wasiiradda, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab, Musuq-maasuq iyo Faragelinta ay dowladdaha shisheeye ay ku hayaan Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay in isbedel lagu sameeyay hey’addaha amniga dowladda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xili maanta la magacaabay, Taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka golaha wasiiradda kadib, ayaan idin soo gudbineynaa nuxurka Qudbada madaxweynaha.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya dowladda iyo Al Shabaab ayaa hadda socda:

Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana hadda la sheegayaa in la maqlaayo Jugta Madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ayaa u dhow Degaanka Janaale oo hadda ay Maamulaan Dagaalameyaasha Al-shabaab.