WAR DEG DEG AH KHILAAFKII KA TAAGNAA BANKA QOOL-CADAY OO LAYSKU AF-GARTAY

0
303

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Wararka Ka imana Banka Qool Cadey ayaa  sheegayaa  in xukuumada Somaliland iyo dadka degan Banka Qool-Cadey ay hishiis ka gadheen murankii ka taagnaa bankaasi ka dib shir  saddex geesood ahaa maanta  halkaasi ka furmay.

4-2

Qodobada ka soo baxay shirkaasi saddex geesoodka ah ee u dhaxeeye  Xukuumada , bulshada degan banka Qool-Cadey iyo madax dhaqameed ayaa waxaa ay yahiin in ceelasha biyaha iyo baliyada la qodo dadkuna u baahan yahay in wixii kale ee mashruuca la socda ee xidhida banku ka mid yahay laga wada hadlo oo ilaa lagu heshiiyo aan la fulin.

si kastaba ha ahaate qodobadan ayaa hadii ay hir galaan waxaa ay noqon doonan qaar xal u noqon doona murankii ka taagna bankaasi .