WAR DEG-DEG AH: MADAXTOOYADDA OO XABSIGA U TAXAABTAY GUDOOMIYIHII XISBIGA UCID EE GOBOLKA SAAXIL ROODA AXMED YASIIN IYO SARAAKIIL KALE

0
276

Berbera (Ceelgardinews.com) -Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabtay Gudoomiyihuu Xisbiga Ucid ee gobolka Saaxil marwa Rooda Axmed Yaasin iyo laba Wiil oo dhalinyaro, oo kasoo baxay magaaladda Berbera kuna soo jeeday magaaladda Hargeysa, ayaa lagu Xidhay Saldhig ku yaala degmada Sheekh Abdaal.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee gobolka Saaxil Rooda Axmed Yasiin ayaa iyo dhalinyaradan ayaan la garanayn sababta keentay Xadhigooda, Hase-yeeshee warar lagu kalsoon yahay ayaa sheega in amarka xadhigooda uu bixiyey taliyaha Ciidamada Booliska oo amar laga soo siiyey Qarsiga dalka looga arrimiyo ee madaxtooyadda.
Saddexdan xubnood ee uu ku jiro Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee gobolka Saaxil ayaa kamid noqon doona dad maalmihii u danbeeyey ay ugaadhsanayeen Ciidamada boolisku