War Deg-Deg Ah: Shirkada Dp World Iyo Waftigii Somaliland Ee Ku Sugnaa Dubai Oo Ku Kala-Kacay Heshiis Dhexmaraa Iskuna Afrgaran Waayey Qiimeynta Dekedda.

0
317
Dubai(Ceelgardinews.com )-wararka xog-ogaal ah ee laga helaayo waftigii wasiirada somaliland ee ku sugan dalka Imaaraadka carabta, una joogay inay heshiis lasoo galaan shirkadda Dp World oo damacsanayd inay la wareegto Dekedda Berbera ayaa la sheegay in la isku afgaran waayey heshiis dhexmaraa labada dhinac.
Qodobada ugu weyn ee labada dhinac ku kala kaceen ayaa ahaa xagga qiimeynta Dekedda oo sida xoggaha lagu sheegay ay qoloda shirkada Dp World ay qiimo hoose ku dooneysaa Dekedda Berbera.
Hase-yeeshee waxa qiimeynta Dekedda Berbera ay ku sameysay shirkada Dp World ka biyo diiday waftigii somaliland oo iyagu la shir tagay qiimo in badan ka sareeya kan shirkaddu sameysay. Waxana xogguhu intaas ku darayaan inay shirkaddu ka codsatay waftiga xukuumadda wakiilka ahayd, inay kulan danbe iskugu noqon Doonan shirkad ahaan. Halka waftiga somaliland iyana shir gaar ah ku yeesheen huteel ku yaala Dubai.
Geesta kale, xogaha laga helaayo shirkadda Dp World ayaa sheegayaa inay waftiga somaliland usoo direen codsi ah in Ramadaan kaddib hawlaha heshiiska la iskugu soo noqdo. La soco
wixii kasoo kordhay.