WAR DEG DEG AH :- Siyaasiyad Magac Wayn Iyo Miisan Ku Leh Gobolka Togdheer Ciidamada Police Gureeda Kala Baxeen

0
316

Warka hadda soo gaadhaya ayaa sheegaya in xalay xilli danbe oo ku siqaysa 3-dii habeenimo ay ciidamada booliska gobolka Togdheer gaar ahaana ciidamada RRU-du ay gurigeeda kala baxeen gudoomiyihii ururka haweenka NOW ee gobolka Togdheer Marwo Deeqa Waydaar oo dhawaan shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba iska casishay xilkii ay ka haysay ururka haweenka NOW iyo waliba xubinimadii ay ka ahayd xisbiga KULMIYE isla markaana ay ka dhawaajisey in dhawaan shaacin doono xisbiga ay ku biiri doonto.

Xogaha ayaa sidoo kale waxay iftiiminayaan in odayaal ka socday qoyska ay kasoo jeedo Marwo Deeqa Waydaar ay xalay ugu yimaadeen guriga ay ka dagan tahay magaalada Burco isla markaana ay usoo bandhigeen in ay ka noqoto go’aanka ay iskaga casishay xisbiga KULMIYE iyo Ururka Now,waxaana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in ay arrinkaasi ku gacan saydhay Marwo Deeqa Waydaar iyaga oo dhankooda odayashii u yimi ay ugu hanjabeen in ay xidhi doonaan haddii aanay ka noqon go’aankeeda. Intaasi ka dib marwo deeqa Waydaar ayaa la sheegay in ay odayaashan u yimi oo uu ku jiro walaalkeeda Ismaaciil Waydaar ay ku gacan saydhay arrinka ay ula yimadeen ee ah in ay ka noqoto go’aanka ay iskaga casishay xisbiga KULMIYE,waxaana intaasi ka dib xalay xilli danbe oo ku siqaysa 3-dii Habeenimo naloo sheegay In ay ciidamada booliska Gobolka Togdheer ay kala baxeen gurigeeda.

Ilaa hadda lama garanayo meel ay geeyeen ciidamadu marwo Deeqa Waydaar oo dhawaan shaacisey ina iska casishay xisbiga KULMIYE iyo xilkii ay ka haysay ururka haweenka qaranka ee NOW ee gobolka Togdheer.

Waxa iyagu goor dhaw hadlaya caruurta iyo ehelada Qoyska Marwo Deeqa Waydaar goor dhaw filo muuqaalka warkan oo kala soco

igeed