War Deg Deg Ah Xisbiyada Qaranka Ka Heshiiyay Murankii Ku Sahabsanaa Xiliga La Qabanayo Doorashada Madaxtooyada

0
266

Hargaysa (Ceelgardinews.com) -Xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa si wada-jir ah uga heshiiyey murankii siyaasaddeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ku asteysnayd in ay dhacdo 28 March 2017ka, waxaana ay ku heshiiyeen in muddo cayiman dib loo dhigo wakhtiga ay ku qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa sidan ku dhawaaqay ka dib kulan madaxda saddexda Xisbi qaran ay saaka la yeesheen Golaha Abwaanada Somaliland oo dhex-dhexaadinayey mas’uuliyiinta Xisbiyada, waxaana uu sheegay in ay ka heshiiyeen murankii ka taagnaa Doorashada isla mar ahaantaana ay ka xisbiyo ahaan muddo kordhin u sameynayaan Xukuumadda Somaliland maadaama xiligan lagu jiro Abaaro adag oo saameeyey dad iyo duunyaba.

“Horta muranka waxa keena waa roob la’aanta oo waanu kala dareeri lahayn haddii uu roobku noo da’o, abwaaniinta oo kulankan noo sameeyeyna aad baan u hambalyeynaynaa. Waxaana la isla qaatay in aanay Doorashadii wakhtigeedii dhacayn, waxa la isla ogaaday in dawladdii ay dhowr jeer korodhsatay oo ay baqeyso oo aanay odhan karayn ha na loo kordhiyo oo ay Maxkamad na saaran tahay.”,Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo hadal halkaas ka yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here