War Deg-Deg Ah______ Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi ibraahim habane iyo xukuumada somaliland ayaa joojiyey Shirkii jaamacadaha ku midoobay ururka Jaamacadaha Carabta oo maanta ka furmi lahaa magaalada Burco

0
269

Burco (Ceelgardinews.com) Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi ibraahim habane iyo xukuumada somaliland ayaa joojiyey Shirkii jaamacadaha ku midoobay ururka Jaamacadaha Carabta oo maanta ka furmi lahaa magaalada Burco.

Shirkani oo ay marti galinteeda lahayd Jaamacada Burco isla markaasina ay wufuuda kala duwan ee ka soo qayb gashay casuumada u fidisay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland ayaa noqon lahaa shirxkii Sadexaad ee gudaha somaliland lagu qabto.

Xidhiidh lala sameeyey wasiirka waxbarashada uu waxa uu sheegay in aanay Burco awood u lahaym marti galinta shirkan tayaynta iyo kor u qaadida tayada waxabarashada ururka jaamacada Carabta isagoona adeegsaday in magaalada Burco tahay Tuulo.

Xukuumada ayaa joojinta shirkan waxbarashada u cugsatay in ay ka soo qayb galeen jaamacado somaliya ku yaala.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Eng faysal cali waraabe ayaa waxa uu arintani ka tacsiyadeeyey Guud ahaan shacabka gobolka togdheer isagoona Tilmaamay in go’aanada xukuumada Kulmiye aanay wadda socon.

Sidoo kale waxa arintani si adag u cambareeyey masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Burco.

Goor dhow la soco muuqaalka warkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here