War Deg Deg Ah:Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Goor-Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
330

MuHalkan Hoose Ka Akhri Warkaas Oo Dhamaystiran
Muqdisho (Ceelgardinews.com) Qarax loo adeegsaday Gaadhi ayaa lagu weeraray Xarunta Visha Taraafiko ee Magaalada Muqdisho oo ku taalo Degmada Shangaani.

Gaadhigan waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay ilinka hore ee Xarunta Visha Taraafiko, iyadoo inta uusan qarxin

DE(7)

gaariga ciidamada ammaanka ay toogteen ruuxii kaxeynaayay Baabuurka oo ka degay gaariga.Qaraxaasi waxaa ku dhintay Saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, sida Saraakiisha ammaanka ay sheegeen halka midka kalena uu yahay ruuxii baabuurka waday oo ciidamada ay toogteen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay toogtaan ruuxii gaariga waday.

Ilaa Shan ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen Qaraxa oo qaarkood ay yihiin ciidamada Taraafikada.

Al Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay ku qaadaan Xarumaha Dowladda ee Magaalada Muqdisho.

 

Saraakiisha ammaanka Gobolka Banaadir oo goobta gaaray ayaa indha indheey ku sameeyay sida ay wax u dhaceen.

 

Sorce Unuversaltv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here