War Deg-deg Ah”Wasiir Maxamud Xaashi, Samsam Cabdi Aadan Iyo Sacad Cali Shire Oo Berbera Ujooga Muslaxaadda Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera Iyo Shaqaalihii Oo Dhabarka U jeediyey Kagana Jawaabay Gadood Hor Leh.

0
287

-Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo arrimaha Dibeda Somaliland Dr. sacad Cali shire ayaa ku sugan magaaladda berbera, kuwaasoo ujeedada socdaalkooddu yahay inay kulan la qaataan Shaqaalaha Muruq-maal

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi  Cabdi iyo arrimaha Dibeda Somaliland Dr. sacad Cali shire ayaa ku sugan magaaladda berbera, kuwaasoo ujeedada socdaalkooddu yahay inay kulan la qaataan Shaqaalaha Muruq-maal Dekedda berbera oo uu saameeyey heshiiska ay Xukuumadu la gashay shirkadda Dp World, isla markaana shaqaddi waayi doona haddii ay la wareegto shirkadaasi.

Kulankaa wasiiraddu u qoondeysteen inay la yeeshan Muruq maalka ayey ma muquurteen Muruq maalku, isla markaana ku cidleeyen goobtii loo asteeyey inuu ku qabsoomo. Waxanay arrintaa bedelkeedda ka dhigeen gadood ay sameeyen shaqaaluhu. Kuwaasoo dariiqyadda berbera marayaa iyagoo sameynaaya dhaqdhaqaaq lidku ah waftiga wasiiradda ah ee ku sugan xarunta gobolka saaxil.

Si kastaba ha ahaatee shaqaalaha Muruq maalka dekedda berbera ayaa dhowaan Xukuumadda ka dalbaday inay siiso xuquuqdooda muddo 25-sanadood ah kaga maqnayd, mar hadii laga maarmay oo shaqaddii laga fadhisin doono, kuwaasoo cabashadooda kusoo bandhigay warbaahinta, kuna dhawaaqayey ereyo ay kamid ahayeen “Haweenkaba marka la furaayo waxay kugu leedahau Xuquuq oo Meher ayaa la siiyo, anagana hadii nalaga maarmay xuquuqdayadii baanu rabna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here