War Deg Deg .Maamulihii Shirkada Dahab Shiil Berbera Oo La Xidhay .Sarkaal Kale Ka Mid Ah Shaqaalaha Dahab Shiil Baadi Goob Ciidanku Ugu Jiraan +Xaruntii Dahabshiil Cidin La Dhigay+ Muqaalo

0
279

Berbera (Ceelgardinews.com) War Deg Deg .Maamulihii Shirkada Dahab Shiil Berbera Oo La Xidhay .Sarkaal Kale Ka Mid Ah Shaqaalaha Dahab Shiil Baadi Goob Ciidanku Ugu Jiraan Mr Kaysar oo dahabshiil u qaabislan safirka lacagta  +Xaruntii Dahabshiil Cidin La Dhigay

 

Suaxnimadii Hore Saaka Ayaa Shir DHacay xafiiska badhsaabka Berbera oo isugu jimadeen Wasiirka arimaha gudaha somaliland yasin faratoon .wasiir wasaarada cadaalada axmed cadare wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada cali dhagoole iyo guddomiyaha baanka dhexe ee berbera xasan kharash l, shirkaasi ayaa laga hadalay sidii digreeadii madaxwaynaha somaliland looga hirgalin lahaa magaalada berbera ,iyadoo arintaasi laga duulayo waxa amar la siiyay shirakadaha ka gancasada sarifka lacagaha sida Dahabshiil Oomar .Salaama Bank .Telesom inay lacagtooda kaashka ah ku wareehiyan baanka dhexe

oo Sida ay Xoguhu Tibaxayaan ku Amrey Maamulaha Laanta Dahabshiil Ee Magaalada Berbera Inuu Lacagta Kaashka Somaliland ah ee Taala Khasnada Dahabshiil Berbera uu Ku Wareejiyo Baanka Si Shuruud la,aan ah,Kadibna uu Amarkaasi qaadan waayey Isagoo Ku Sababeeyey Iney Lacag Badan Oo Ay Leeyihiin Ay ku Xaniban Tahay Khasnada Baanka Somaliland,Lacagta Kaashka AH Ee Ku Jirta Khasnadooduna Ay Tahay mid ay leeyihiin Macaamiishoodii Baanka Dahabshiil

Geesta kale wararka ilaa maanta  soo baxaayay ayaa sheegay in qaybta sarifka lacagaha ee dahabshiil ilaa maalintii shalay ,iyo xalayba lacago somaliland ah ay ka soo daabulayeen magaalada hargaysa iyadoo gaadhi qafulan ku keenay xarunta dahabshiil berbera ,Arintaasi ayaa muujinaysa in maamulka dahabshiil digeetadii madaxwaynaha ay ka hor imanayso ..

Halka ka  daawo muqaalada baaburta lacagta ku rogaysa dahabshiil berbera 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here