WAR DEG DEG SHIRKADA DP WORLD OO SAAKA SIRASMIYA ULA WAREEGTAY GUUD AHAAN SHAQADII DEKEDA BERBERA IYO WARAAQIHII HAWL SOCOD SIINTA DEKEDA BERBERA EE DAWLADA OO LA BEDELAY IYO KUWII DP WORLD OO LAGU SHAQEYNAYO

0
330

Berbera(Ceelgardinews.com) )-Waxa Saaka si aan jabaq lahayn oo bilaa sanqadha Maamulkii Dekeda Berbera loogu wareejiyay shirkadii Xukumada Madaxweyne Siilanyo ka kireysay ee DP World, waxaana xaflad aan cidi ka qeyb galin oo saaka subaxnimadii hore lagu qabtay Xafiiska Maareyaha Dekeda Berbera shaqadii Maamulka iyo Mareynta Dekeda Berbera sirasmiya loogu wareejiyay Masuuliyiin ka socday Shirkada DP World ee laga leeyahay Dalka Isutaga imiraatka Carabta Islamarkaana ah shirkad Maamusha dekeda tiradoodu lagu sheegay 84 Dekedood oo daafaha Caalamka kuyaala…

Waxaana wareejinta Maamulka Dekeda isugu yimi Maareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir Iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed iyo sidoo kale Madax Iyo Masuuliyiin ka socotay shirkada DP World oo ay wehelinayeen shaqaale ajinabiya oo isugu jira Masaari, Hindi, Chinese iyo Aljerian.

 

Wararka aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in Maareyaha Cusub ee shirkada DP World Dekeda Berbera usoo magacaabtay ee maanta xilkaas la wareegay lagu magacaabo  Ibraahim E. Al Hammadi oo la sheegay inuu udhashay dalka Masar.

Waxa kaloo maalmihii udanbeeyay lagu hawlanaa oo Maamulka Dekeda Berbera iyo madaxda iyo masuuliyiinta shirkada DP World ka shaqaynayeen sidii laysugu bedeli lahaa waraaqaha(Document) ay shirkada DP World  la timi ee shaqada Dekeda lagu wadi doono Iyo sidii waraaqihii hore ee Dawlada Somaliland meesha looga saari lahaa waxaana saaka sirasmiya shaqadii iyo kala socodsiintii hawlaha Dekeda Berbera loogu shaqaynaayay oo ganacsatada loo jaraayay Waraaqo ay ku qoran tahay Dp World Berbera kuwaas oo ganacsatada Dekeda Badeecdaha kala baxaayay loogu siidaynaayay wixii kharash ahna lagaga qaadaayay.

 

Waxaana La sheegay in maanta laga bilaabo Mareyah Dekeda Berbera uu noqon doono Ibraahim E. Al Hammadi oo ah nin udhashay dalka Masar oo shaqaale u ah Shirkada DP World sidoo kale waxa dhawaan la samayn doonaa Boodhkii sare ee Dekeda Berbera Maamuli Doona oo intooda Badanina noqon doonaan shaqaale  kasocda shirkada DP World.

Halkan Hoose Ka Akhriso Waraqaha Shirkada DP World ee hawlaha Dekeda Berbera Lagu Kala Wadi Doono