WAR DEG DEG”AH CIIDAMADA BOOLISKA BERBERA OO XABSIGA UTAXAABAY WARIYE AXMED SACIID MAXAMED IYO SABABTA XADHIGIISA

0
493
WAR DEG DEG”AH CIIDAMADA BOOLISKA BERBERA OO XABSIGA UTAXAABAY WARIYE AXMED SACIID MAXAMED IYO SABABTA XADHIGIISA

Berbera (Ceelgardinews.com)-Ciidamada Booliska Berbera ayaa Saldhiga dhexe ku xidhay wakiil wareedkii Tvga Eryal Axmed Saciid Maxamed oo wiigii udanbeeyay dacwadi kaga socotay xeer ilaalinta Gobolka Saaxil, dacwadaas oo uu ka gudbiyay Gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamud Xasan(Cidin)

 

Dacwada Wariyahan loo haystay ayaa Waxa uu Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin ku sheegay inuu baahiyay warar aan xaqiiq ahayn oo la xidhiidha Arimaha dhulka iyo qaabka loo bixiyo iyo dhaliilo uu sheegay Mayarku inaanu lahayn oo shaqsiyaad uu warar ka duubay wariyahani ay Warbaahinta umariyeen.

 

Gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmada Berbera Cabdishakur Cidin ayaa hore usheegay inuu Wariyahan dacwad ka gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here